Hargeysa(Xogsoormedia.com) Maansada Xurmo Hooyo Waxaa Curisay Yaasmiin Maxamad Kaahin , waxaanay hal abuurtay oo ay maskaxdeeda ka tuujisay, 1/4/2015 waana Maanso si qoto dheer uga hadlaysa qiimaha iyo sharafta iyo karaamada ay Hooyadu leedahay.
Sidoo kale sida ay hooyadu ugu dulqaadato koritaanka ubadkeeda iyo waliba naxaiista biyo kama dhibcaanka ah ee ay Hooyadu ilmaha la garab taagan tahay.
Hadaba Maansada Xurmo Hooyo Waxaa ay ku bilaabmaysa sida tan.
Anoo xab ahaa caloosha,
Anoo xubin le’eg jidhkaaga,
Anoo xidid kula wadaagay,
Anoo xudduntaada quutay,
Anoo cunto kaa xammeeyey,
Anoo xiska kaa tabcaanshay,
Anoo kaarkiyo xannuunka,
Ahaa xummad shidda naftaada,
Xaraarka umushiyo dhibkeeda,
Xaddiga damaq fooli leeday,
Adaa xammiloo dulqaatay
Weliba xamdi-naqa ilaahay
Kolnaba ka xabeeban hooyo.
Adoo i xannaanshay hooyo,
Adoo i xambaaray hooyo,
Adoo i xurmeeyey hooyo,
Weliba xubbigiyo kalgacalka,
Xisaab li’i ii jeclaaday,
Adoo xilli adag maraaya,
Adaa hooyoy xurmaynta,
Xilkiyo garashada wanaagga,
Adaa xilkasnimo bilaayey,
Weliba aabbana xaq-dhawrka,
Xaqiisa adaa gudaayaay,
Adaa u xamaalay hooyo,
Xilkii marwo adaan ka leexan,
Adaan ka hambaysan xoogga.
Nasab hooyaday xariireey
Xayaatada aad ku nooshay,
Xushmad abidkaa ku joogoo,
Haddaad hooyoy xerooto,
Qabriga hoosiyo xabaasha,
Xuladka naartiyo cadaabta,
Xujada imtaxaanka Eebbe,
Ilaah kaa xoree lurkooda,
Xareed kugu soor jannada
Xabiibku wehelkaaga noqoy.
W/C Yaasmiin Maxamed Kaahin
01/April/2015
Maansada Xurmo Hooyo Iyo Abwaanad Yaasmiin Maxamad Kaahin
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland