Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Badhasaabada Iyo Maayirada Dalka Ugu Baaqay Inay Siweyn Uga  Qayb Qaataan Oogitaanka Salaada Roob-doonta

0
447

Hargaysa ( Xogsoormedia.com)- Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancadde ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31/01/2016 ku amray dhamaanba badhasaabada iyo maayirada dalka inay si weyn uga qayb qaataan tukashada salaada oo maalinta barito ah looga dareeri doono guud ahaanba dalkan Jamhuuriyda Somaliland , taasi oo madaxweynaha JSl ku dhawaaqay.

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamad Warancade ayaa saaka aroor-yadii hore taar u kala diray gabi ahaanba badhasaabada iyo maayirada dalka.

.
Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde oo isaga oo fariinta salaada roob-doonta u diraya gabi ahaanba badhasaabada iyo maayirada dalka waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “aniga oo fulinaya amarka Madaxweynaha JSL  ee ku saabsanaa salaada roob doonta ah ee uu ku dhawaaqay in maalinta Isniinta ah ee bishu tahay 01/02/2016 dalka oo dhan la oogo salaada roob doonta ,waxaan dhamaan badhsaabada iyo maayirada dalka farayaa in ay si wayn uga qayb qaataan salaada roob doonta ee uu madaxweynuhu ku dhawaaqay, sidaa darteed waxaa mar 2aad la idinku adkaynayaa in aad ka qayb qaadataan isla markaana aad bulshada ku wacyi galisaan salaada roobdoonta iyo sidii loo oogi laaha ”.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here