Halkan Ka Daawo: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Iyo Wafti Uu Hogaaminaayo Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Saaxil Iyo Deegaanada Hoos Yimaada

0
458

Barbara(Xogsoormedia.com) Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamad Maxamuud (Siilaanyo) iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaala madaxda gobolka Saaxil ee Barbara iyo deegaanada hoos yimaada oo uu kormeer ku sii maray.

Waxaana Madaxwayne Somaliland socdaalkiisan ku wehelinaya xubno ka mida golihiisa wasiirada, iyo waliba xildhibaano saraakiil iyo saraakiil xigeeno, masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye iyo marti sharaf kale.

Waxaana uu Madaxweynaha Somaliland u sii dhaafi doona dhanka degmada Oog oo ah saldhiga labaad ee ciidanka qaranka Somalilland,halkaas oo uu  kaga qayb galli doonio xuska maalinta ciidanka qaranka Jamhuuriyada  Somaliland oo ku began 2-Feb-2016 oo sanadkan lagu qaban doono magaaladaasi.

Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed  Maxmed Maxamuud Siilaanyo ayaa la filayaa marka uu dhamaado xuska ciidamada qaranka Somaliland inuu socdaalo kala duwan kusoo mari doono gobolada bariga Somaliland soona indha indhayn doono xalada dad iyo duunyo ee ay ku sugan yihiin dadka ku nool goboladaa iyo deeganada hoos yimaada.

Halkan Hoose Kaga Bogo Faahfaahinta Amuurta Warkaas La Xidhiidha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here