Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamad Daahir Cukuse “Muqdisho Iyo Inta Ay Ka Talisaba Waxaa Xukumayay, Talyaani Oo May Madax Banaanay Oo Dawladba May Aheyn “

0
428

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamad Daahir (Cukuse) ayaa ka jawaabay go’aan ka soo baxay xukuumada Federaalka Soomaaliya, waxaanu wasiirku sheegay qaranimada iyo madax banaanida Somaliland ay tahay mid ku timid rabitaanka shacabka Somaliland,kana dhici doonto doorasho one man one vote ah.

Sidaasna wasiirku waxaa uu ka sheegay  shirjaraa;id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxanu wasiirku xusay inaanay waxba ka badali dooniin qadiyada Somalliland dhaqaaqa siyaasadeed ee ka soconaya Soomaaliya, aanay gabi ahaanba waxba ka khuseynin Somaliland.

Wasiir Cabdilaahi Maxamad Daahir isaga oo ugu horeyn arrimahaas ka hadlayana waxaa uu yidhi “waanu ku cel Celina imikana waanu ku celinaynaa,1960-kii 26-kii Juun, ayay Mastacmaradiii Ingiriiska ka qaadatay xoriyadeeda, Muqdisho iyo inta ay ka talisaba waxaa xukumayay, Talyaani oo may madax banaanay oo dawladba may aheyn, 1960-kii bishii July ayay qaateen Madax banaanidooda laab lakici iyo caadifadii markaa jirtay, ayay reer Somaliland go’aan sadeen, in dawlad Soomaaliyeed wax la yidhaaho la sameeyo, axdigii midowga labada dawladood ee 1960-kii waxaa ka dhalatay Jamhuuriyadii Soomaaliyeed,Somali Republic ayaa la odhan jirey”

Wasiirkuu waxaa kale oo uu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata oo uu yidhi “Anagu waxaanu ka mid aheyn oo aanu qayb ka aheyn Jamhuuriyada Soomaaliyeed,waxan aad imika sheegayso ee Soomaaliya la yidhaaho waligayo kamaanan mid noqonin,Soomaaliyana Muqdisho iyo inta ay ka xukunto ayaa la yidhaaha, markaa Hargeysa Iyo Muqdisho barigii ay midoobeena, Jamhuuriyadii Soomaaliyeed ayaa la odhan jiray,ee Soomaaliya lama odhan jirin,”

Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Maxamad Daahir (Cukuse) waxaa kale oo uu sheegay in waxaa ay Jamhuuriyada Somaliland ku dhisan tahay ay tahay rabitaanka shacabka waxaanu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya “1991-kii ayay mar labaad Jamhuuriyada Somaliland ay dib u dhalatay, waxaanay Jamhuuriyada Somaliland ku dhisan tahay rabitaanka shacabka Somaliland,waxaana ka dhaca doorashooyin, one man one vote-ah waxan aad imika iweydiinaysaana waa doorashooyin ku iman doona deegaano iyo beelo oo khuseeya, dawlad aan taayadaba aheyn,anaguna marka ay shirarkaasi shirayaan waanu u ducaynaynaa, shirarkooda iyo arrimahooda iyo nabad-galiyadooduba ay u hagaagto, laba dawladood oo jaara oo wanaagsana aynu ahaano, waayo nabadgaliyadadayada Jamhuuriyada Somaliland ayaaba ku dhisan in mandaqda oo dhami ay ahaato deegaan nabadeysan”

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here