Qaar Ka Mida Guryo Ku Yaala Magaalada Hargeysa Oo Albaabadooda Lagu Arkay Calaamada Saliib-ka Ee Diinta Kiristanka Iyo Culimada Oo Ka Hadashay.

0
389

Hargeysa(Xogsoormedia.com)) Qaarka mida guryo ku yaala caasimada Hargeysa ayaa waxaa lagu arkay in lagu xardhay calaamada diinta Kiristaanka,waxaana si adag uga hadlay Sheekh Aadan Sune oo ka mida culimada waaweyn ee wadanka ,ugana digay dadka muslimiinta ah ee reer Somaliland inay ka fogaadaan guryaha lagu xardhay calaamada diinta Kiristaanka.

Waxaanu sheekhu sheegay in shirkadaha sameeya qalabka guryaha sida albaabada ay xaafado magaalada Hargeysa, ka mida ku soo bandhigeen albaabada guryaha lagu xidho oo si cadaana loogu muujiyay Saliibka Kiristaanka.

Waxaanu Sheekh Aadan Sune uga digay badi bulshada reer Somaliland in aanay qaadan oo aanay iibsan albaabada ay ku xardhan yihiin calaamadaha diinta Kiristanka oo ay iska eegaan marka ay iibsanayaan albaabada ka hor inta aanay kala tagin goobta ay ka iibsadeen.

Waxaa kale oo uu sheekhu tilmaamay in ay xaaran tahay wax kasta oo astaan u ah dadka kiristtanka ah oo lagu arko dad muslimiin ah, dhexdooda.

Hore ayaa Sheekh Aadan Sune uga hadlay masaajid ku yaala magaalada Hargeysa oo daaqadihiisa ;lagu xidhay wax u eeg Saliib-ka  diinta Kiristanka.

Albaabadan lagu xidhayo dhisme loo dhisaayo ciidamada bada Somaliland ayaa ah albaabo u calaamadaha ka muuqdaa ay u  eeg  yihihiin Calaamada Saliib-ka ee Diinta Kiristaanka, tanina waxaa ay tahay arin curdin ah oo ku cusub gayigan aynu ku noolahay ee Somaliland

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland 

Khadarhoryaal@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here