Ardayda Jaamacada Soomaaliya Ayaa Ku Guuleystay Inay Sameeyay Radio FM Ah Iyo Jaajar Telefoon + Sawirada

0
426

Muqdisho(Xogsoormedia.com) Arday ka tirsan Jaamacadda Soomaaliya, gaar ahaan kulyadda Engineering and computer science ayaa waxa ay sameeyeen Raadiye kadib markii muda isbuuc ah ay qaadanayeen tababar la xariira sameyna Raadiyaasha iyo Jaajarka Taleefanada.

Eng. Maxamed Khaliif Xaashi oo wax kusoo bartay dalka Shiinaha ayaa waxa uu ardaydaan muda isbuuc ah tababar ku siinayay Jaamacadda Soomaaliya (UNISO), waxa uuna munaasabad maanta ka dhacday xarunta KM4 ay jaamacaddu ku leedahay ka sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in ardaydu mudada isbuuca ah ay ku fahmeen ayna guul ka gaareen samenta raadiyaasha.

Xafladda ka dhacday xarunta jaamacadda ee KM4, waxaa kasoo qeeyb galay gudoomiyaha Jaamacadda, Dr. Ismaaciil Cali Siyaad, gudoomiye ku xigeenada dhanka Waxbarashada iyo Maaliyada, Hormuudka Xafiiska Arimaha Ardeyda, saraakiil ka socotay Xafiiska Xariirka Bulshada jaamacadda, Hormuudka Kulyadda Engineering and computer science, macallimiin iyo marti sharaf kale.

Xafladda waxaa lagu soo bandhigay raadiyaha ay ardayu sameeyeen, waxaana qaabkii lagu sameeyay ka hadlay Eng. Maxamed Khaliif Xaashi, kaas oo sheegay in qalabka laga sameeyay raadiyaha iyo Jaarjiga Mobible-ka isagu uu ka keenay Shiinaha, kadibna uu baray habka leesugu xirxiri karo ayna ugu danbeyn ardaydu ugu guuleesteen sidii la rabay, waxa uu ardayda ku booriyay in ay sii wadaan dadaalka .

Gudoomiyaha jaamacadda Soomaaliya (UNISO) Dr. Ismaaciil cali Siyaad ayaa waxa uu ka hadlay munaasabadda, waxa uuna ka dhawaajiyay in ay guul weyn tahay in ardaydu ay gacantooda ku sameeyaan raadiye iyo Jaajar taleefoon, waxa uuna ballan qaaday in jaamacadda Soomaaliya ay sii wadi doonto dadaalada lagu hormarinayo heerka aqooneed ee ardayda.

Ugu danbeyn ardayda ku guuleysatay sameynta raadiyaha iyo Jaarjarka iyo Eng. Maxamed Khaliif Xaashi oo ahaa macallimkii cilmigaasi baray ayaa waxaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay munaasabadda gunaanadkeedii.

Waa markii ugu horeysay ee gudaha dalka Soomaaliya lagu soo bandhigo raadiye iyo Jaarji ay arday sameeyeen, waxaana hadii lasii wado howlaha nuucaan oo kale ah dalku uu gaari karaa isku filnaasho dhanka aqoonta ah, taas oo hormuud u noqon karta in alaaba lasoo dhoofin jiray gudaha dalka lagu sameeyo.









Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Xigasho: Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here