Hadalka Mujaahid Jidhif ayaa loo qaadan karaa in ay tahay fariin siyaasadeed oo ku socota Muuse Biixi
Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi(jidhif),ayaa sawir ka bixiyay hoggaaminta Madaxweynaha askariga oo uu sheegay in ay ku gedaaman tahay guul Darrooyin qaran iyo siyaasad xumaan dalka uu ka taliyo u hor seeda qalalaase aan dhamaan.
Waxaanu tusaale u soo qaatay dalal saraakiil Millatari hoggaamiyeen oo ku fashilmay geedi socodka siyaasadeed iyo horumarka caalamku gaadhay in ay waddamadooda ku hoggaamiyaan.
Dalalka uu ka soo sheekeeyay Taliyihii hore ee Ciidanka qaranka ayay qaarkood yihiin dalal dhaqaale ahaan meel sare kaga jira isla markaana shidaalo leh oo hodan ah laakiin hoggaaminta askartu ka dhigtay waddamo colaadeed oo aan degenayn.
Waxaanu tusaale u soo qaatay dalal badan oo ka mid ah Qaarada Afrika iyo dalal Carbeen iyo waddammo kale oo dhamaantood ay ka jirto xaalad siyaasadeed oo aan degenayn,kuwaasoo uu hore uga soo taliyay Madaxweyne Millatari ahi.
Hadalka Mujaahid Jidhif ayaa loo qaadan karaa in ay tahay fariin siyaasadeed oo ku socota Muuse Biixi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ah musharaxa u taagan in uu Xisbiga uga qayb galodoorashoooyinka la filayo in ay dalka ka qabsoomaan 2017,ka una taagan jagada Madaxweynaha.
.
“Qof kastaaba waxa uu ka waramaa inta uu aqoon u leeyahey iyo waayo aragnimada uu ka haysto dhibaatooyinka had iyo jeer ka dhasha wadamada Dunida aynu ku nool nahey maanta gaar ahaana dalalka Afrikaanka ah,Carabta,iyo Aduunka iyo dalkii hore la isugu odhan jirey Soomaaliya kamid yahey ee Somaliland kamid tahey waxeynu wada ognahey in hogaaminta milatarigu ee dal ay horseed u tahey guuldarooyin baabiinaya rajooyinka Mustaqbal ee Siyaasadeed,dhaqaale,iyo hurumarinta Bulshada intaba, waxaanay marka hore dawladaha milatarigu laalaan oo ay baabiiyaan Dastuurka Dimuqraadiga ah ee Wadankaasi,waxaanay kala diraan oo ay naafeeyaan Golaha Shacbiga matelaya ee Baarlamaanka taasina waxey u xalaaleysaa in ay awood kalitalisnimo ah ku xukumaan wadanka taasina waxey keentaa in ay baaba,do Saxaafadii Xorta aheyd oo aan waxba laga sheegi Karin,waxaanay si badheedh ah u laayaan shacbiga mudaharaadaya waana talaabooyinka iyo dabeecada ay Askarinimadu leedahay aakhirkana waxey horseedaa guuldarooyin aan laga soo kaban Karin sanado badan oo boqolaal ku dhaw iyadoo abuurta dagaalo Sokeeye iyo jabhadaha oo aynu Tusaalooyinkooda hore usoo aragney”.Ayuu yidhi Mujaahid Jidhif
Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu Tusaale usoo qaatey Waddamada ay si dhab ah uga taliyeen Milatarigu. “Hadeynu Tusaale usoo qaadano Waddamada Milatarigu ka taliyaan ama Askartu ee ay hore uga soo taliyeen waxa ka mid ah Dalka Yemen sababtoo ah Cali Cabdale Saalax Askari ayuu ahaa halkey mareysana waad la soctaan iyo xaalada ay mareen,Wadanka Laybeeriya ee Afrika Samal-doo,Yuganda Iidi Amiin Dada,Itoobiya Mingistu Hayle Maryam,Koongo Mabuuto Seeko-Seeko,Ciraaq Sadaam Xuseen Askari buu ahaa illaa maanta lagama soo kaban xaaladii mustaqbal ee uu ka tagey, Masar Xusni Mubaarik Askaribuu ahaa,Liibiya Mucamaral-Qadaafi Askari buu ahaa ,Kaamboodiya,Argnatiin Binashee Askaribuu ahaa,Kuuriya Kibal-song Suurtagal ma aha in Dawlad Askari xukumaa ka badbaado dhibaatooyin Soomaaliya Siyaad-Barre Askari buu ahaa ilaa maanta Koonfurta lagama soo kaban sababtoo ah Askarigu sida uu maanta uu xanaaqsan yahey ayuu waagii beryaba u xanaaqsanaanayaa,waxaana loo yaqaanaa nidaamkaa aynu soo sheegnay milatarisem wabilaahi tawfiiq ”Ayuu yidhi Mujaahid Jidhif
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland