Xaaladda Abaareed Ee Ku Habsatay Gobolada Galbeedka Somaliland Oo Meel Halisa Mareysa Iyo Qayla- Dhaanta Xukuumada

0
314

Hargeysa(Xogsoormedia.com) ) – Xukuumadda Somaliland, ayaa mar kale qaylo-dhaan ka soo saartay xaaladda abaareed ee habsatay  gobollada galbeedka dalka, waxayna ganacsatada, qurba-joogta iyo shacabka gudaha ugu baaqeen inay u diyaar-garoobaan qaadhaan lagu badbaadinayo nolosha dadkaas abaaruhu faraha baas ku hayaan.

xukuumaddu waxay sheegtay in xaaladda abaareed ee gobollada galbeedka Somaliland meel halis ah mareyso isla-markaana xoolihii bilaabeen inay dhinteen, dadkuna ku xigaan haddii aan si deg-deg ah gurmad bani-aadamnimo loola gaadhin.

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo shalay warbaahinta  kula hadlay qasriga madaxtooyada Somaliland ee Magaalada Hargeysa  , ayaa tilmaamay in abaarta ku dhufatay gobolllada galbeed ee Somaliland meel halisa mareyso, sidaa daraadeedna loo baahan yahay gurmad bini’aadaminimo.

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland isaga oo baaq qayl-dhaana ka diraya xaalada halista ah eek u habsatay gobolada galbeeka Somaliland waxaa uu yidhi “dalka waxa ka jirta abaar xoog leh, gaar ahaan gobollada galbeedka, sidaa daraadeed, ummadda somaliland waxaan ugu baaqayaa inay u diyaar-garoobaan abaartaa jirta oo xooluhu aad ugu le’anayaan, marka xooluhu dhintaana waxa ku xiga inay dadku dhintaan, markaa waxaan leeyahay ha loo diyaar-garoobo sidii aynu iskaga kaashan lahayn ee aynu qaadhaan ugu ururin lahayn dadkeennaa dhibaateysan ee aan biyo iyo baad midna haysan, waynu u gurmaneynaa.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Ismaaciil (Saylici) waxaa uu si gaara fariin ugu diray, qurba-joogta iyo ganacsatada reer Somaliland waxaanu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya  “ganacstada, qurba-joogta, ganacstada iyo cidkasta  oo wax heli karaysa waa in ay soo caawiyaan walaalahooda ay abaarta saddex jirsatay ay ku habsatay abaartan oo ah mid meel halisa mareysa”

Madaxweyne ku xigeenku isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray oo  uu yidhi “waxaan intaas sii raacin laaha  in aanu  xukuumad ahaan si gaar ah Hay’adaha gargaarka ugala shirayno sidii kaalin mug leh looga geysan laha gurmadka abaarta ba’an eek u habsatay gobolada galbeedka Somaliland halkaas oo dad iyo xoolaba aan waxba lagu noolayn”

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here