Degmada  Balli Cabane Iyo Deegaanada Hoos Yimada Oo Laga Dayriyay Xaalada Abaareed Ee Ka Taagaan Iyo Masuul Wasaarada Arrimaha Gudaha Ka Tirsan Oo Soo Kormeeray.

0
417

Bali-Cabane(Xogsoormedia.com)-Cali Xaaji Cabdi “Cali Yaanbo” oo ka Mid ah Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka hadlay Kormeer uu ku soo Maray Jiido door ah oo ka Tirsan Degmadda Balli Cabane ee Gobolka Hawd.bali cabane

Cali Yaanbo oo Warbaahinta Maanta u Waramay ayaa Sheegay in Jiidaha hoos taga degmadaasi ay ka Taagan tahay Xaalad abaareed oo Saamayn ku yeelatay Nolosha dadka iyo duunyadda.bali cabane

Waxa uu Sarkaalkani Xusay in Deegaanka Balli Cabane oo Koobsada deegaamo door ahi ay ku soo hayaameen Xoolo dhaqato tiro badan taasina ay keentay inuu idlaado daaqii iyo Biyihiiba,Waxaanu ka dayriyey in Hadii Xaaladan Wax laga qaban waayo ay saamayn togan ku yeelanayso Nolosha Bulshada Deegaankaas oo u badan Xoolo dhaqato iyo beeralay.bali cabane

Cali Xaaji Cabdi “Cali Yaanbo” Waxa uu intaas ku daray in Sidoo kale Degmada Balli Cabane ay ka aradan tahay adeegyada aasaasiga ah ee Nolosha bulshada Sida Caafimaadka,Waxbarashadda iyo Wixii la hal maala taasina ay ka dhigtay degmada mid ka danbaysa degmooyinka kale ee waddanka.bali cabane

Cali Xaaji Cabdi “Cali Yaanbo” oo ah Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Guduhu Wuxuu ugu baaqay Hay’adaha dawladda ee ay arrintani Khusayso inay Xil iska saaraan Wax la qabashada Bulshadda ku dhaqan degmadda Balli Cabane.

 

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here