Darasalaam(Xogsoormedia.com) Abaar aad u culus iyo biya la;aan baahsan oo saamaysay dad iyo duunyo ayaa waxaa laga soo sheegaya, degmada degmada Daarasalaam ee waqooyiga magaalada Hargeysa ee gobolka Maroodijeex.
Saamayntaasi waxaa ay taabatay dhanka xoolaha iyo dadkii xoolahan lahaaba,iyada oo ay ka jiraan jiidahaasi abaaro, aad u ba’an oo ay xoolihii awoodi kariwaayeen, in goobihi baadka ay u doonan lahaayeen iyaga oo tahliwaayay,inta ay u soconayaan.
Dadka reer miyiga ah ee xoola dhaqatada ah, ayaa dhibaatada dareenkooda, ku cabiraya waxaanay yidhaaheen “lodan waxaanu soo lugaysiinay ilaa garaaca,intaa waxba may soo cunin imikana waxaanu maraynaa Ilinta dhexe, intaas iyo intaasna waxaa soo hadhay, shan iyo toban neef oo lo’a oobakhtiyay ilaa Dawgii-Cada, wixii kalana waakaa halkaas fadhiisatay ee duraaqsatay, waxaa kale oo u dheer dadkan sahandiiba ka go’day oo waa laysla wada jilcay, oo dadkan xoolaha waada waa bilaa, quraac bilaa casho, bilaa qado, markaa anagu sidii uunbaanu iska nahay”
Xughaya dawlada hoose ee Degmada Daarasalaam, Fu’aad Rashiid Sheekh Ibraahin, ayaa geestiisa isaguna waxaa uu faahfaahin dheerada ka bixiyay, xaalada abaareed ee ka taagan dagmadan iyo deegaanada hoos yimaada sida ay abaartu u samaysay dadka beeralayda ah iyo dadka xoola dhaqatada ah iyo heerka ay imika mareyso waxaanu yidhi “waad aragtaan oo loda imika halkan taagani dawgan wixii ay kaga bixi lahayd ee Tamara mahaysato, nimanka wada laf ahaantoodu waxa ay u baahan yihiin gurmad oo in loo gurmado, si raashin iyo taakulo kaleba loola soo gaadho, waxaanan ugu baaqaya, madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamad Maxamuud Siilaanyo, wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha, iyo ganacsatada iyo waliba, shacbi waynaha reer Somaliland, inay gurmad degdega la soo gaadhan dadkan iyo xoolahan halkan ku madhay, ee socod dirgan waayay gaadiid lagu qaado, lodan iyo xoolaha kale ee meeshan, socon kari waayay si loo gaadhsiiyo, deegaanadii ay xoolahani ka yimaadeen, iyada oo dhulkan ay haatan, marayaan uu xaaluf yahay, oo ay abaartu biya dhigtay”
Si kastaba ha ahaate, xaalada abaareed ee ka taagan, deegaanada waqooyiga Somaliland ayaa haatan mareysa meeshi u dareyd, iyada oo dadkan xoolahanba ay u baahan yihiin gurmad degdega oo hadii biyo la gaadhsiin lahaana aanay jirin awood ay kaga soo baxaan Dawga-cad una baahan yihiin gurmad dhakhso, sida gaadiid lagaga soo daadgureeyo dawga cad si loo gaadhsiiyo meel biyo leh,.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland