Muqdisho(Xogsoormedia.com) Waxaa wali la daad guraynayana Meydadkii habeenimadii xalay,Weerarkii Xeebta Liido lagu laayey,Waxayna Saraakiisha Ciidamada Nabad Sugidu sheegeen in dhaawacyada iyo meydadka ay ka dhex raadinayaa qaar kamid ah Kooxihii Weerarka soo qaaday oo isku dayeya in ay aan la ogaanin.
Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa hada qarinaysa Mas’uuliyiinta Weerarkaas ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay,Waxaan jira in Xildhibaan ,Saraakiil Ciidan iyo Agaasimeyaal ka tirsan Wasaaradaha Dowladda Federalka Soomaaliya ay ku jiraan dadka ku dhintay Weerarkaas.
Ciidanka Dowladda ayaa ku mashquulsan sidii ay meesaha hoostooda uga soo saari lahaayeen Meydadka qaar,oo ah dadkii ku cararay gudaha Hotelka,laguna laayey,Waxayna Saraakiishu xaqiijiyeen in inta badan Meydadkaas ay garan dadka ay yihiin ayna hubiyeen eheladoodii .
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com