Madaxweynaha Kililka Shanaad Oo Si Cad Ugu Faanay In Ay Sirdoonkiisu Ka Dambeeyeen Ninkii Toddobaadkan Lagu Dhex Dilay Hargeysa

0
308

Akhri Qoraal Rasmi Ah Oo Cabdi Cumar Ku Sheegay Magaca Ninka La Dilay, Kooxda Uu Ka Tirsanaa Iyo Cidda Ka Dambaysay Dilkaasi Qorshaysan & Xidhiidhka Dilkii Hore

Jigjiga (Xogsoormedia.com)- Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Ina Ilay) ayaa si cad oo badheedh ciidamadiisa sirdoonka ugu hambalyeeyey hawlgal uu sheegay in ay ka fuliyeen Habeen saddexaad caasimadda Somaliland ee Hargeysa dhexdeeda goor habeenimo ah, hawl-galkaana ku tilmaamay mid lagu guulaystay oo lag ilaalinayo danaha dawlad deegaanka iyo amnigooda sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo farriintan hambalyada ah habeen hore ku baahiyey barta uu ku leeyahay mareegaha xidhiidhka bulshada ee Internetka ayaa sheegay in ciidamadiisa sirdoonka ee Kililka shanaad ay magaalada Hargeysa dhexdeeda habeenimadii salaasadu soo galaysay ay ku dhex dileen nin lagu magacaabo Khadar Cabdilaahi Aadan (Khadar Ilay) isaga oo sheegay in ciidamada sirdoonka iyo kuwa gaarka ah ee kililku ay geeska Afrika ka bar-tilmaameedsan doonaan wax uu ugu yeedhay hadhaaga ONLF. Farriinta Cabdi Maxamuud Cumar, Madaxweynaha Kililku ku hambalyeeyey dilkii habeen saddexaad loo gaystay nin aan la aqoonsan agagaarka Garoonka weyn ee Hargeysa ayaa waxa uu farriintiisa ku yidhi sidan:
“Sirdoonka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Ayaa Habeenkii Xalay Ahaa Ku Khaarajiyay Magaalada Hargeysa KHADAR CABDULLAAHI AADAN Oo Loo Yaqaanay (KHADAR ILAY). KHADAR ILAY Waa Saraakiisha Ugu Sarreeya Nadadiidka UBO Oo Ay Ku Daba jireen Muddooyinkii Ugu Danbeeyay Sirdoonka Aan Hadhsan Ee DDSI. Ubay Khadar Waxaa Uu Dhawaanahan Hawgalo Ka Soo Abaabulayay Hargeysa. Kolkaanu Ka War Helnay Ayaanu Ugu Baaqnay Inuu Falalkan Nabadiidnimo Ka Tanaasulo. Khadar Iyo Tiimkiisu Way Ka Dhaga Adeygeen. Meel Walba Waanu Kaga Daba Tageynaa Kuwa Shacabkayaga U Diiddan Inay Nabad Ku Noolaadaan Inta Ay Jidhkayagga Dhibic Dhiig Ahi Ku Jirto. Waxaan U Mahadnaqayaa Sirdoonka DDSI Ee Ku Kala Sugan GEESKA AFRICA” qoraalkaasi oo ah ka rasmiga ah ee Madaxweynaha Kililka shanaad ku baahiyey Internetka.
Hadalkan Madaxweynaha Kililka Shanaad ayaa ku soo beegmaya dilkii habeen hore ka dhacay Agagaarka Garoonka Istaadiyoomka Hargeysa kadib markii rag aan la aqoonsani nin la sheegay in u ahaa Itoobiyaan ku dileen goor habeenimo ah kaasoo warar aan la xaqiijin sheegeen in uu ka tirsanaa Jabhadda ONLF. Dilkaasi ahaa dilkii labaad ee muddo dhawr bilood gudahood ah ka dhaca Hargeysa iyada oo hore dhawaan xaafadda Calaamadaha ee Degmada Maxamuud Haybe goor habeenimo ah dil qorshaysn koox aan lagu sheegay ONLF nin Itoobiyaan ah ugu dileen halkaasi kaasoo la sheegay in uu ka tirsanaa sirdoonka Kililka Shanaad oo loo malaynayo in dilkanina ku xidhiidhsan yahay kaa hore. Si kastaba ha ahaatee lama oga in ciidamada ammaanka Somaliland ka war hayeen shirqooladan dil ee labada ah ee la odhan karo waxa ay ahaayeen kuwo isku xidhan iyada oo aanay illaa imika xukuumaddu si rasmi ah arrinka dilalkaasi uga hadal lana ogayn maydka labadaasi nin halka uu ku dambeeyey inkasta oo warar aan la xaqiijin sheegeen in mid ka mid ah labadaasi nin ee la dilay ay ehelkiisu aasteen. Waxaana layaab leh sida uu Madaxweynaha Kililka Shanaad si badheedh ah u sheegay in ay Hargeysa falkaasi ka dhex fuliyeen isaga oo ku faanaya ciidamadiisu in ay Hargeysa ku dhex dileen nin ka soo abaabilayay xaalad lid ku ah.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

Xigasho: Foore News.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here