Jamaal Iyo Faysal Oo Maraykanka Ka Cawaynaya Wakhti Hogaamiyayaasha Waddani Iyo Kulmiye Ku Tartamayaan Diiwaan Gelinta Gobolka Togdheer

0
294

Xubno Taageerayaasha UCID Ah Oo Dirqi Ku Kulansiiyey Faysal Iyo Jamaal Cali Xuseen Balse Kulankoodu Natiijo La’aan Ku Dhammaaday

Minnesota (Xogsoormedia.com)- Guddoomiyaha Iyo Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen oo maalmihiii ugu dambeeyey ku sugnaa Carriga Maraykanka ayaa habeen hore kulan si dirqi ah la isugu soo jiiday ku kulmay Huteel ku yaalla Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota oo ah gobolka ay Dalka Maraykanka ugu badan yihiin dadka Soomaalida ahi iyaga oo aan la ogayn ujeedada kulankaasi daarnaa.
Ilo xog-ogaal ah oo u dhuun daloolay kulankaasi oo wargeyska Foore la xidhiidhay ayaa u xaqiijiyey kulankaasi dhex maray labada masuul oo muddooyinkii dambe fiintu dhex miranaysay kadib khilaaf ba’an oo soo kala dhex galay. Qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga UCID ee dalka Maraykanka oo xogta kulankaasi aanu wax ka waydiinay ayaa sheegay in ay labada masuul kulankaasi iskula soo qaadeen sidii ay xal kama dambays ah ugu heli lahaayeen kala aragti duwanaanshahooda si Xisbiga UCID ugu diyaar garoobo doorashooyinka la filayo sannad dambe in ay dalka ka dhacaan khilaafkoodana xal loogu helo balse aanay wax xal ah oo buuxa isla gaadhin kulankaasi oo ahaa mid casho ah.
Ma jiro warar dheeraad ah oo kulankaasi ka soo baxay balse waxa ay ilo wareedyo kulankaasi u dhuun daloolay tibaaxayaan in aanay labadan masuul wali wax xal ah isla gaadhin kulankaasina ku ekaa oo kali ah mid ay ku kulmeen uun casho marti qaad ah oo ay isugu soo jiideen, casuumaddiisa lahaayeen xubno taageerayaasha xisbiga UCID ka tirsani maadaama ay isugu yimaadeen Gobolka Minnesota oo midba wakhti gaar ah yimid sidoo kalena aanay ku iman ujeeddo kali ah. Xubnaha cashadan isugu keenay labada masuul ayaa muddoba ka shaqaynayay sidii ay u kulansiin lahaayeen aakhirkiina ku guulaystay si ay si aad u adag isugu keenaan balse aan wax natiijo ah laga gaadhin.
Dhinaca kale Maqnaanshaha labadan masuul ee ay ku sugan yihiin dalka Maraykanka ayaa ku soo beegmaysa wakhti Hogaamiyayaasha xisbiyada kale ee WADDANI iyo KULMIYE ay ku tartamayaan sidii ay taageerayaashooda Gobolka Togdheer ugu guubaabin lahaayeen in ay si mug leh isu diiwaan geliyaan si ay codadka ugu badan uga helaan gobolkaasi iyada oo Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi maalmo kooban isaga kala dambeeyeen booqasho ay ku gaalaa bixiyeen tuulo tuulona ay ugu soo mareen gobolkaasi Togdheer ee diiwaan gelintu ka socoto walina Guddoomiye Cirro ku sugan yahay.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

Xigasho: Foore News.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here