Gaadiidleyda Hargeysa Oo Soo Dhaweeyay Qiimaha Shiidaalka Oo Hoos U Dhacay

0
322

Hargeysa (Xogsoormedia.com):- Tan iyo Markii ay la wareegeen shirkadaha Waddaniga ah ee la wareegay Haamaha Kaydka shidaalka ee Berbera,ayaa markii ugu horraysay jabiyay qiimaha shidaalka oo maalintii ay la wareegeen cirka ku shareernaa.Shirkadaha Waddaniga ah ee la wareegay maamulka kaydka Haamaha Shidaalka ee Berbera,ayaa qiimaha shidaalku wuxuu ahaa halka Litir ee Batroolka ahi Hal Dollar,halka uu maanta ka yahay 0.7 Dollar waxaanu hoos u dhacay boqolkiiba soddon.halka halka Litir ee naaftada ahina uu ahaa hal Dolar halka ay maantana marayso 0.5 Dollar.Waa qiimo dhismistii ugu balaadhnayd ee ka hirgasha dalka Somaliland ee uu gaadho shidaalka dalku waxaana sabab u ah oo arrintaa suura galiyay shirkadaha Waddaniga ah ee la wareegay gacan ku haynta maamulidda Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku wareejisay dhamaadkii Sanadkii tegay ee 2015,kii.

Dhinaca kale  Maamulka Shirkadaha shidaalka ee la wareegay Haamaha Kaydka ee Berbera,ayaa Xogsoormedia.com u sheegay in ay qorshaha ugu jirto balaadhinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera.Dhinaca kale dirawalada iyo gaadiidlayda dalka, ayaa si wayn u soo dhaweeyay qiimaha shidaalka ee jabay ama hoos u dhacay taasoo ay sheegeen in aanay suuragalba ahaateen in ay gaadiidkooda ku shaqaystaan sixirbararkii jiray iyo shidaalka oo qaali ku sii ahaan lahaa. “Imika ayuu qiimaha Dollarku hoos u dhacay laakiin dalka waxaa ka jiray sixir barar Dolarkuna aad ayuu sare ugu kacay muddooyinkii dambe haddii uu shidaalkuna qaaliyoobi lahaa suuragal may noqoteen in aanu sii wadno shaqadan aanu dadweynaha u hayno.” sidaa waxaa Xogsoormedia.com u sheegay Mursal Jaamac oo ah dirawal bas oo ka dhex shaqeeya Hargeysa.Cumar-yare oo ah wiil dhalinyarro ah oo wata gaadhi yar oo Tagsi ah nooca loo yaqaan Tukhaanku waxaa uu isna kaga dareen celiyay qiimaha shidaalka. “Markii shirkadaha  midoobay la  wareegeen Haamaha ayaa shidaal jaban noogu horaysay iyadoo Dolarku cirka marayo ayay shidaalka noo jabiyeen,waana sababta keentay in aanu dadka qiimo yar oo jaban anaguna ugu shaqayno ee aanu qofka wax yar ugu gayno meel kasta oo uu doonayo.”

Wada shaqeeyaan kaa soo ay ku wada qanceen Shaqaalah iyo shirkadaha Haamaha la wareegayna waxaanay intaa ku dareen in ay ka maamul ahaan qadarin iyo ixtiraam u hayaan shaqaale waynaha Haamah ka hawl gala oo aanay jirin wax dhibaato ah oo ka dhaxeeya.

 

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmaill.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

Xigasho: Dawan News.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here