Agaasimaha Dib U Dejinta Oo Kormeeray Qoysas Danyar Ah Oo Degan Xaafada Sheekh Cumar

0
246

Hargaysa(Xogsoormedia.com):-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dib-udajinta Jamhuuriyadda Somaliland  Cabdinaasir Xaaji Daa’uud Warsame ayaa shalay kormeer ku soo maray Xaafada Sheekh Cumar ee dhanka galbeed ee magaalada Hargeysa.

Xaafadan oo ah xaafad isku rarana islamarkaana ay degen yihiin badi dad danyara oo ku  nolol qalafsan oo ay, badanka dadka halkaa degen oo ah dad sanaddo ka hor laga raray Magaalada dhexdeeda oo uu dhaqaalahoodu aad u liito.

Ujeedada Kormeerka  Agaasimaha Guud oo la xidhiidhay u kuur-galida baahiyaha aaasaasiga ah ka jira xaafadaasi.

qaabka ay mashaariicdani u socdaan waxa ku wehelinayey Isuduwaha Wasaarada Dib-udajinta ee Gobolka Maroodi-jeex Maxamuud.

Agaasiumuhu waxaa uu halkaasi warbixin kaga dhageystay dadkii xaafadaas degena ayaa balanqaaday in uu wixii baahiyaha aasaasiga ah ee uu wax kala qaban karo uu wax kala qaban doono.

Haday tahay biyaha, caafimaadka , waxbarashada wadooyinka iyo nadaafada iyo waxyaabaha kale ee nolosha aasaaska u ah.

 

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here