Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland  Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saartay Ajaanibta Wadanka  Laga Musaafurinayo.

0
356

 

Hargeysa (Xogsoormedia.com)-19kii January 2016, Booliiska Somaliland iyo saraakiisha Waaxda Socdaalku waxay bilaabeen olole dalkoo dhan laga fuliyay oo ka dhan dadka Itoobiyaanka ah ee jooga Somaliland. Sida uu saxaafadda u sheegay Wasiirka Arimaha Guduhu, waxa ka go’an dawladda inay ururiso oo ay dhoofiso ajnabiga aan sharciga haysan. Dhoofitan balaadhani waxay bilaaban tahay kadib markii dawladdu ku dhawaaqday December 2015 in shisheeyaha aan sharciga haysani ay kaga baxaan dalka mudo sodon maalmood ah oo ka bilaabanta 1da January 2016.

Dadkan shisheeyaha ah waxa laga qab-qabtay wadooyinka. Ragga waxa lagu qaadayaa gawaadhi waa wayn halka dumarkana lagu qaadayo basas si loo gaadhsiiyo magaalada xuduuda kutaal ee Tog-Wajaale. Ilaa hada boqolaal qof ayaa dib loogu celiyay Itoobiya.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay joojisaa dhoofintan balaadhan ee wadarta ah. Sodonkii maalmood ee dawladdu u qabatay xitaa weli ma dhamaan. Haananka dadka loo dhoofinayo waa inuu ku sallaysnaado qiimayn lagu sameeyo  qof walba gaarkiisa si waafaqsan halbeegyada caalamiga ah. Xaruntu waxay walaac ka qabtaa ururinta dadka sida wadarta ah loogu qaadayo gawaadhi kadibna la geynayo xuduudda iyada oo aanay jirin hab iyo cid ka horeeysa oo ku daryeesha halkaas. Sidoo kale waxaan la ogaan karin tirada dhibaato ku soo gaadhi karta Itoobiya marka dib loogu celiyo, iyada oo maanka lagu hayo in inta badan dadka la celinayaa ay yihiin qoomiyadd Oromada.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay kula talinaysaa dawladda inay qof walba gaarkiisa u qiimayso ee aanay ka dhigin talaabo si wadar ah loo qaado si looga baaqsado in dadka qaar dhibaato soo gaadho marka la celiyo.

Somaliland waxa jooga dad badan oo Itoobiyaan ah oo intooda badan aanay haysan sharci halka qaarna ay u diiwaangashan yihiin magan galyo doon iyo qaxoonti. Wasaaradda Dib u Deijnta ayaa masuul ka ah diiwaangelinta codsiyada. Wasaaraddu waxay leedahay laba goobood oo keliya oo ay ku diiwaangeliso dadka. Labadaas goobood oo ku kala yaal Hargeysa iyo Berbera.

 

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Email: dafac02@hotmail.com

Phone: +252 (0)63 4468227

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here