Hargeysa (Xogsoormedia.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland.
Dhagax-dhiga Dhismaha Cusub ee Taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxaa gacan weyn ka gaysan doonta dawlada Ingiriiska
Dawladan Ingiriiska oo marar horena u dhistay dhismayaal noocan oo kale ahaa ay dhiseen markii ay taariikhdu aheyd 1936-kii iyo qaybtan danbe oo ay dhiseen sanadii 1942-kii.
maanta oo taariikhdu tahay 20.01.2016-kana waxay balanqaadeen dhismaha taliska guud oo noqon doono mid casri ah oo la rajaynayo in muddo sannad ka yar lagu dhamaystiro, sidaa awgeedna uu madaxweynuhu dhagax-dhigo isla gaabta laga binayndoono dhismahaasi.
dhismahaasiMadaxweynaha oo dhagax-dhigaa ka hadlay ayay hadaladiisa ka mid ahayd“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan mashruucan muhiimka ah dhagax dhigo, aadna waxan ugu mahadcelinayaa dawladda Ingiriiska iyo cid alle cidii innagala qaybgashay mashruucan dhismihiisa, muhiimad weynbuu u leeyahay Qaranka Somaliland illaahayna waxaan inooga rajaynayaa inuu guul weyn inaga gaadhsiiyo insha allaahu tacaala”
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com