Xukuumada Somaliland Oo Maanta Bilowday Hawl-galo Wadanka Lagaga Saarayo Dadka Aan Wadanka U Dhalan

0
311

Hargeysa(Xogsoormedia.com)-Ciidammada Laanta Socdaalka ee Somaliland  iyo Booliska oo iskaashanaya ayaa maanta bilaabay hawlgal ay ku ururinayaan dadka aan wadanka u dhalan ee ajaanibta ah.

Waxaana badi dadkan saaka la soo qaqabtay lagu soo ururiyay laanta socdaalka ee Somaliland,waxaanay sheegeen saraakiisha laanta Socdaalka oo warbaahinta la hadlay inay kala saari doonaan dadkan oo cidii sharci haysata iyo cidaan haysan.

Waxaanay indhaahagu qabanayeen markaa aad jidadka marayso iyada oo badi dadka ajaanibta ah ee wadanka jooga ee aan haysan sharcigii ay wadanka ku soo galeen iyada oo la soo qaqabanaayo,lana waydiinayo sifaha sharci ee ay wadanka ku joogaan.

 

Hawlgalkan ayaa ka danbeeyay ka dib markii bishii December ee 2015 dhamaadkeedi go’aano adag laga soo saaray dadka ajaanibka ah ee wadanka jooga ee aan haysan sharcigii ay wadanka ku joogeen.

 

Go’aanka xukuumadda hore uga soo baxay oo tabanaayey afar arrimood oo kala ahaa; Arrimaha isu-socodka Somaliland iyo Soomaaliya, Adkaynta xuduudaha ay Somalilanad la leedahay dalalka deriska ah, ka hortagga tahriibayaasha dhexmara Somaliland iyo dadka ajaanibka ah ee sida sharci darrada ah ku jooga Somaliland.

Waxaana ka mid ahaa hadalkii iiyo go’aankii xukuumadu markaasi ay soo saartay eek u aadana wakhtiga kama danbeysta ah ee loo qabtay dadka ajaanibta ee aan wadanka u dhalan “Waxa reeban in qof ajaanib ahi wax shaqo ah ka qabto Jamhuuriyadda Somaliland ruqsad la’aan. Cid kasta oo aan u dhalan dalkan, waxa ku waajib ah in ay qaadato Warqadda Ruqsadda Shaqada. Laga bilaabo 01.01.2016-ka, qof kasta oo Ajaanib ah oo ka shaqeeya Dalka (nooc kasta oo ay tahayba) waa inuu muddo ku siman 30 cisho ku qaato Warqadda Ruqsadda Shaqada“Work Permit”. Muddadaa kaddib, Hay’adaha Ammaanka ee ay arrintani khusayso waxa ku waajib ah inay qofka ka joojiyaan shaqada uu hayo, haddii aanu lahayn sharcina ay Dalka ka saaraan,”

 

Xogsoormedia.com

 

Xogsoor@gmail.com

 

Hargeysa Somaliland

 

Khadarhoryaal@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here