Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Nin Itoobiyaana ayaa xalay lagu toogtay oo lagu dilay magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafada Cakaara.
Waxaana ninkan lagu dilay meel Garoonka Hargeysa Stadion ka xigta dhanka galbeed, iyada oo uu ninkani u dhintay rasas lagu dhuftay lamana xaqiijin magaciisa haybtiisa mooyaane
Waxaana warkan warbaahinta u xaqiijiyay wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamad Warancade oo ay warbaahintu wax ka waydiisay dilka ninkan waxaanu yidhi wasiirku “waa dhab oo waa la dilay ninkan oo waa ay jirtaa “
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland