Shirkadaha Waddaniga Ah Ee La Wareegay Haamaha Shidaalka Oo Qiimihii Shidaalka Si Wayn U Jabiyay

0
352

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Tan iyo Markii ay la wareegeen shirkadaha Waddaniga ah ee la wareegay Haamaha Kaydka shidaalka ee Berbera,ayaa markii ugu horraysay jabiyay qiimaha shidaalka oo maalintii ay la wareegeen cirka ku shareernaa.

Shirkadaha Waddaniga ah ee la wareegay maamulka kaydka Haamaha Shidaalka ee Berbera,ayaa qiimaha shidaalku wuxuu ahaa halka Litir ee Batroolka ahi Hal Dollar,halka uu maanta ka yahay .07 Dollar waxaanu hoos u dhacay bqolkiiba sodon.halka halka Litir ee naaftada ahina uu ahaa hal Dolar halka ay maantana marayso 0.5 Dollar.

8888

Waa qiimo dhismistii ugu balaadhnayd ee ka hirgasha dalka Somaliland ee uu gaadho shidaalka dalku waxaana sabab u ah oo arrintaa suura galiyay shirkadaha Waddaniga ah ee la wareegay gacan ku haynta maamulidda Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku wareejisay dhamaadkii Sanadkii tegay ee 2015,kii.

Hadaba waxaa loo baahan yahay in dalka maal galintiisa la taageero oo la gacan siiyo shirkadaha waddanigaa ah ee dalka maal galinta ku samaynaya ee u quudhaya hantidooda.

Midawga Shirkadaha shidaalka ee maamulaha haamaha kaydka Berbera,ayaa waxaa kale oo ay durba bilaabeen dayac tirka iyo hagaajinta Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera oo markii horeba in ay la wareegaan ay sababtay baahi iyo dayac ka muuqday oo sababay in aan qaarkood shidaalba lagu shubi karayn ama aan lagu aamini karayn.

Waxaana taa marag u ahaa markii ay la wareegeen dhawr cisho ka dibba in ay mid ka mid ah Haamaha Kaydka Shidaalku in ay daadisay shidaal lagu shubay.

berbera-oil

Laakiin xiligan waxaa ka socda Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera durba horumar dhan walba ah waxaana lagu wadaa maal galin dhanka kaydka ah.

Maamulka Shirkadaha shidaalka ee la wareegay Haamaha Kaydka ee Berbera,ayaa Xogsoormedia.com u sheegay in ay qorshaha ugu jirto balaadhinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera.

Dhinaca kale dirawalada iyo gaadiidlayda dalka,ayaa si wayn u soo dhaweeyay qiimaha shidaalka ee jabay ama hoos u dhacay taasoo ay sheegeen in aanay suuragalba ahaateen in ay gaadiidkooda ku shaqaystaan sixirbararkii jiray iyo shidaalka oo qaali ku sii ahaan lahaa.

“Imika ayuu qiimaha Dollarku hoos u dhacay laakiin dalka waxaa ka jiray sixir barar Dolarkuna aad ayuu sare ugu kacay muddooyinkii dambe haddii uu shidaalkuna qaaliyoobi lahaa suuragal may noqoteen in aanu sii wadno shaqadan aanu dadweynaha u hayno.” sidaa waxaa Xogsoormedia.com u sheegay Mursal Jaamac oo ah dirawal bas oo ka dhex shaqeeya Hargeysa.

Cumaryare oo ah wiil dhalinyaro ah oo wata gaadhi yar oo Tagsi ah nooca loo yaqaan Tukhaanku waxaa uu isna kaga dareen celiyay qiimaha shidaalka. “Markii shirkadaha  midoobay la  wareegeen Haamaha ayaa shidaal jaban noogu horaysay iyadoo Dolarku cirka marayo ayay shidaalka noo jabiyeen,waana sababta keentay in aanu dadka qiimo yar oo jaban anaguna ugu shaqayno ee aanu qofka wax yar ugu gayno meel kasta oo uu doonayo.”

Dhinaca kaleMaamulka Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera,ayaa waxba kama jiraan iyo dacaayad ku tilmaamay wararka sheegaya in ay shaqada ka eryeen shaqaale Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera ka shaqeeya waxaanay caddeeyeen in heshiiskii ay shaqaalaha la galeen markii ay la wareegeen ay ku wada shaqeeyaan kaasoo ay ku wada qanceen Shaqaalah iyo shirkadaha Haamaha la wareegayna waxaanay intaa ku dareen in ay ka maamul ahaan qadarin iyo ixtiraam u hayaan shaqaale waynaha Haamah ka hawl gala oo aanay jirin wax dhibaato ah oo ka dhaxeeya.

 .berbera-oil

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here