Hargeysa(Xogsoormedia.com) Haweenay magaceeda ku sheegtay Muna Maxamed Cismaan oo wadata Laba Carruur ah, ayaa magangelyo u gashay Dhismaha Wasaaradda Dib U dejinta Somaliland ee Magaalada Hargeysa.
Haeenaydaa oo wadata laba Carruur ah da’dooda sanad iyo laba sannadood tahay, ayaa shalay magangelyo u gashay dhimaha Wasaaradda Dib u dejinta, iyadoo sheegtay inay tahay Qoxooti kasoo qaxday dalka Yemen oo kasoo bad gashay dhinaca Xeebta Saylac ee Galbeedka Somaliland, halkaas oo sida ay u sheegtay Weriye ka tisran shebekadda wararka ee Araweelo News Networ oo la kulamy ay shan maalmood ka hor kasoo degtay. kadib markii sida ay sheegatay Dooni kuwa Kaluumaysiga yar yar ee laga leeyahay dalka Yemen, gaar ahaan deegaanka Khookha ee kulaalaya marinka Baabal-mandab ay kasoo raaceen iyada iyo 7 qof oo kale, isla markaana kasoo degeen xeebta Saylac.
kadibna sidaa ugu soo gudubtay Hargeysa oo aanay cidna ka garanayn oo aanay jirin meel ay qabtaa iyada iyo laba Caruur yar yar oo ay wadato. Muna, waxa ay u sheegtay Weriyaha ka socday Shebekadda Araweelo News ee la kulamay, iyadoo ku jirta dhismaha wasaaradda dib u dejinta Somaliland inay dhibaato iyo rafaad badan soo martay, isla markaana ay kasoo firxatay markii hore Magaalada Taiz ee dalka Yemen ee dagalada iyo colaadduhu hadheeyeen oo go’doonsan, iyadoo sheegtay in ay socod Lug ah kaga baxeen iyada dhawr qof oo kale oo Soomaali ah, isla markaana socod ku ga;een magaalada Doonayaha Kaaluumaysiga ku caanka ah ee Khookha oo ku taal duleedka marinka Baabal-mandab.
“waxaan ahayn Todoba qof iyo aniga iyo labadayda caruur ah, waxan silif iyo rafaad ku gaadhnay magaalada Khookha, waxana lug kaga baxnay Taiz, kadibna mid ka mid ah Doonyaha Kaluumaysiga, ayaan ku nimi saylac shan maalmood ka hor, dadkii kale dhinaca Djbouti iyo Somaliland oo ay u dhasheen ayay u baxeen anigu cidna ma garanayo, waxaana imi halkan mana jirto cid wax ii qabatay, waan shaqaysan jiray.
laakiin maanta duruuf iyo dhibaato ayaa i haysta mana jirto cid i qaabishay” ayay tidhi. Haweenayda iyo labada Carruurta ah ee wadato oo diif xumi ka muuqato, waxay sheegtay in Carruurta Aabahood ku dhintay dagaalka Yemen, kadib markii sida ay sheegatay uu gurigii ay deganayaeen qabsaday gantaal kuwa Cirka ee diyaaradaha duqaynta ka wada halkaa la beegsadeen, iyadoo sheegatay in sharcigoodii iyo wixii aqoonsi u noqon lahaa ay kaga gubteen guriga uu ku dhintay Ninkeeda oo sida ay sheegtay xanuunsanay xiligaa.
“Ninkaygii Carruurtan dhalay wuxuu ku dhintay gurigayagii oo gantaal haleelay, waxaana ku gubtay wixii aan sharci haysanay, waxaa khasab noqotay inaan magalaada ka cacaro, waxaan u baahanahay taageero iyo Caawimo, ma jirto cid aan ka garanayaa halkan, ilaa shalay ilaa saaka oo dhan waxaan sugayay Wasiirka, wuxuu igu yidhi waxba kuuma qaban karee $ 10 dolar qaado, wuuxna i dhaafay, waxaan magan u ahay Somaliland, mana jirto cid aan ka garanayaa halkan iyo cid ehel ii ah, xalay gabadh ayaan la seexaday oo shalay halkan iga kaxaysay markii masuuliyiinta wasaaraddu ila hadli waayeen saakana waan soo noqday haddan waad aragtaa xaaladayda, waan u baahanahay gar-gaar iyo in lay qaabilo” ayay tidhi Muna Maxamed Cismaan oo dayac baddan iyo diif ka muuqato iyada iyo laba Carrruur ah oo ay wadato, waxayna Caaw ku dib jireen dhismaha Wasaaradda Dib U dejinta Somaliland.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland