Xaysimo(Xogsoormedia.com) Badhasaabka Gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamad Xiir oo uu wehelinaayo maayirka degmada Sarmaayo ee gobolka Xaysimo ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Go’dale ee gobolka Xaysimo.
Intaas ka dib waxa gudoomiyaha loo galbiyay dhanka magaalada Go’daale ee gobolka Xaysimo,halkaas oo uu kormeer indho indhayna ku soo maray qaybo ka mida degmada Go’daalo waxaanu kulamo la qaatay odayaasha iyo waxgaradka gobolka Xaysimo.
Intaas ka dib gudoomiye Cabdirashiid Maxamad Xiir waxaa uu warbaahinta uga warbixiyay ujeedada socdaalkiisa waxaanu yidhi “Go’daale oo ka tirsan gobolka Xaysimo ayaa bookhasho ku nimid waxaananu soo galay saaka, tobankii subaxnimo,waxaananu la kulanay bulshada qaybaheeda kala duwan,waxaananu kala hadalay sidii looga wada shaqayn lahaa abniga iyo nabadgaliyada,gobolka iyo degmada iyaguna u diyaar garoobaan wixii danteenu ku jirto, oo diwaangalinta iyo doorashooyinku ay ku jiraan”
Gudooomiyaha gobolka Xaysimo waxaa uu dadka degmada Go’daale u soo jeediyay inay nabadgaliyada horumarka ay kala shaqeeyaaan maamulka gobolka iyo dawladaba waxaanu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya “Hada waanu baxaynaa waxaananu u baxaynaa Taleex,kolaytana dib ayaanu u soo laaban doona, degmooyinka kalena Insha Allah waanu tagi doona,waxaananu ka rajaynaynaa inay nabadgaliyo ay ku dhamaato,sideedabana nabadgaliyadu waa nolosha aasaaskeeda, waana in nabadgaliyada laga wada shaqeeyo,wixii horumar ahna laga wada qayb qaato,laguna taageero maamulka iyo dawladaba wixii kale ee ay wax ku noqonayaan kulana wadaagayaan bulshada kale ee Somaliland-na ay ka qayb qaataan oo ay u diyaar garoobaan,oo ay waxbanina gobolka ay iska badalaan, abniga iyo horumarka labadaba”
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland