Ciidanka Booliska Magaalada Hargeysa Oo Laba Wiil Oo Maxaabiisa Midna Toogtay Midna Dhaawacay.

0
270

War: Deg Dega

Hargeysa(Xogsoormedia.com)-Ciidanka booliska saldhiga Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa ayaa goordhaweyd toogtay laba maxbuus oo dhalinyaro ahaa, iyadoona mid ka mid ah dhalinyaradaasi uu isla markiiba geeriyooday halka kii kalena uu soo gaadhay dhaawac halis ahi.

Waxaanay dilka iyo dhaawaca labadan wiil ee dhalinyarada ahi uu ka dhacay inta u dhaxaysa , dhacday inta u dhaxaysa Xannaanada Maxamed Mooge iyo Saldhiga Maxamed Mooge.

Dhalinyaradan oo ahaa maxaabiis laga keenay maxkmadda magaalada Hargeysa ayaa waxay isku dayeen inay  ka baxsadaan gaadhi  siday oo xaajiyad ahaa.

Iyada oo gaadhigan xaajiyada ah lagaga soo qaaday dhanka maxakamada , kadibna waxaanay ciidanku isku dayeen sidii ay labadan dhalinyarada ah gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ,waxaanay ku fureen oo ay oogta kaga qaadeen rasaas;halkaas oo uu midna ku dhaawacmay midna ku dhintay.

Magaca wiilka geeriyooday ayaa loogu sheegay Daahir Cabdillaahi (Ina Dhakharre), halka ka dhaawaca ah aanay noo suurto galin in aanu helno magaciisa.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here