Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Shaaca Ka Qaaday  In Dawladda Hoose Joojisay Bixinta Dhulka Danta Guud.Ahaa

0
319

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Maayarka Caasimada Hargaysa Mudane  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa ku dhawaaqay inay gabi ahaana laga bilaabo maanta oo tariikhdu tahay 18/1/2016, ay joojiyeen muddo Saddex bilood ah.

Maayar Soltelco ayaa ku sababeeyay go’aankan cusub inay ka danbaysay iyagoo dhawaan Dawladda Hoose gali doonto hawl culus oo ku dhisayaan Wadooyin hawl bawle u ah Caasimadda. Maayarka oo Saxaafadda kula hadlaayay Xafiiskiisa wuxuu yidhi.

“Waxaanu joojinay bixinta dhulkii danta guud, maadaama oo aanu shaqo culus galayno muddo 6-bilood ah, wax dajin ama dhul bixin ah oo dawladda Hoose samaynaysaa ma jirto, waxaan leeyahay dadweynaha oo ugu baaqayaa in aanay nagu dawakhin dhul isiiya, guddida dhulka waxaa in badan dawakhisay dhul isiiya waxaa laga shaqaynaaya qalabkii aanu keenay oo muddo laba bilood ah aanu rajaynayno in ay noogu dhammaato”. Sidaa ayuu ydhi Maayarka Caasimadda

Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargaysa ayaa dhawaan dalka keentay qalab tirobadan oo ah kuwa lagu dhiso wadooyinka, iyadoo la filaayo inay wadooyin hawl bawle u ah Magaalada hirgaliyaan si Caasimaddu uga turjunto Magaca ay sidato ee ah Muraayadii dalka.

By: Wariye Khadar Xasan Aadan

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here