Halkan Ka Daawo: Ciidamada Amaanka Gobolka Togdheer Oo Goordhaweyd Xabsiga U Taxaabay Wariye Cabdi Maalik Iyo Sawirqaadihiisi .

0
336

War: Deg Dega

Burco(Xogsoormedia.com) Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo  ah wariyayaasha madaxa banaan Ee ka hawl-gala gobolka Togdheer ayaa goordhaweyd xabsiga loo taxaabay.

Sida ay wararku sheegayaan wariyahan waxa xadhigiisa amray badhasaabka gobolka Togdheer Mudane Maxamed Ibraahin Aaadan(QABO),

Waxaana Xadhiga wariyahan lala xidhiidhinaya riwaayad uu dhawaan ka sameeyay badhasaabada gobolada Somaliland ee dhawaan dawlada Itoobiya u u yeedhay iyo waliba wareysi uu dhawaan la yeeshay nin Itoobiyaan ah,oo lagu eedeeyay inuu qashay gabadh yar oo afar sano jira.

Sidoo kale waxaa wariyahan xadhigiisa la weheliya sawirqaadihiisi oo lagu magacaabo Diiriye ,waxaanay ciidamada amaanka ee gobolka Togdheer ayaa la wareegay gabi ahaanba xafiiskii iyo qalabkii wariyahan.

Halkan Hoose Kaga Bogo Warkaas Oo Dhameystiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here