Jabuuti(Xogsoormedia.com) )-Dawladda Jamhuuriyda Jabuuti ayaa in ka badan 20 shirkadood oo laga leeyahay dalka Shiinaha maanta heshiis ku kala saxiixatay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in heshiiskan uu laba qeyb ka koobnaan doono, oo mid uu yahay in lacagta Shiinaha ay ka mid noqoto lacagaha la isku weydaarsado Shiinaha, iyo in warshado iyo shirkado ganacsi ay Shiinaha ka hir-geliyaan Jabuuti.
Madaxweyne Geelle waxaa kale oo yy tilmaamay in warshadaha Shiinahu ay ka dhisayaan dalka Jabuuti ay ka faa,idaysan doonaan ,oo shaqooyin ay ka heli doonaan badi dadka muwaadiniinta ah ee reer Jabuuti.
Sido kale waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti ugu baaqay badi Madaxda Soomaaliya ee isku afgaran waayay shirkii madasha Kismaayo inay dib isugu soo laabtaan oo ay hishiis midaysan gaaran si ay gacmaha isu qabsadaan oo ay ul iyo diirkeed u noqdaan.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland