“Berbera Waa Sodoh, Sanadkana Sodoh Wayn Bay Noqonaysaa Maadaama Reer Berbera Murashax Yihiin”Muuse Biiixi Cabdi

0
317

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Weftigii uu hogaaminayay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay gelinkii dambe ku soo laabtay magaaladda Hargeysa kadib markuu soo dhamaystay socdaal dhawr maalmood qaatay oo uu ku tegay gobolka Togdheer oo diiwaangelinta codbixiyuhu ka bilaabatay.

Gudoomiye Muuse Biixi ka hor intii aanuu u soo gudbin Hargeysa wuxuu ku hakaday oo lagu soo dhaweeyay magaaladda Berbera, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta maamulka gobolka Saaxil, maayarka Berbera Cabdishukuur Ciddin, maareeye xigeenka dekedda Cumar Abokor, masuuliyiin kale iyo qaar ka mid ah dadka deegaankaasi.

Gudoomiye Muuse Biixi oo soo dhawayntaa kadib ka mahadcelinayay wuxuu yidhi; “Anigoo ku hadlaaya magaca weftiga oo ka kooban golaha wasiiradda, golaha wakiiladda, golaha guurtida iyo hogaanka xisbiga oo dhan, waxaanu ka mahadnaqaynaa sidaa noo soo dhawayseen. Togdheer baa laga bilaabay diiwaangelinta, iyadaanu ka hawl galay, saaxilna marka laga bilaabayo waa imanaynaa iyo gobol walba. Horraa loo yidhi Berbera waa sodoh, sanadkana waxaan u malaynayaa inaad sodoh wayn noqonaysaan, oo xil badani idin fuulayo maadaama reer Berbera murashax yihiin, markaa qof walba oo Saaxil jooga dadaal baa laga rabaa, inuu kaadhka codka qaato inuu hawl galo, xilkaasina wuu idinku soo kordhee ogaadda.”

Weftigaa Gudoomiyaha Kulmiye oo ay xubno ka ahaayeen wasiiro ay ka mid yihiin, Wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan, Wasiirka Macdanta Xuseen iyo xubno kale oo ka tirsan dawladda iyo hogaanka xisbiga Berbera ka hor waxay soo mareen Magaaladda Sheekh oo lagu soo dhaweeyay, isla markaana markay dhamaysteen nasashadii Berbera waxay u soo dhaafeen dhinaca magaaladan Hargeysa ee ay ka tageen.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

Xigasho: Ramaas News.coma

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here