Xukuumada Somaliland Oo Maanta Fulisay Qisaas Dila Markii Saddexaad

0
279

War: Deg Dega

Hargeysa(Xogsoormedia.com)  Xukuumada Somaliland ayaa waxa ay markii saddexad fulisay dil qisaas, dawlada ayaa dilkan qisaasta saaka ku fulsay haweenaydan iyo wiil ay dhashay ayaa  sanadkii hore gabadh ku dilay magaalada Hargeysa isla markaana gurigooda ku aastey sidoo kale waxaa ay qisaastan ku fuliyeen gabadh kale oo ay maxkadaha dalku dil ugu xukumeen.

Dilkan qisaasta ah ayaa ka dhacay deeganka Mandheera ee gobolka Saaxil, waana markii saddexaad ee xukuumada Soamliland ay dil qisaas ah ugu fuliso dad gacan ku dhiig layaal ah oo ay hore maxkamadaha dalku dil ugu xukuumeen

Arintan dilka qisaasta ah ee ay bilowdey xukuumada madaxweyne siilanyo ayaa ay shacabiga rer Somaliland ay aad u soo dhaweyeen iyaga oo xukuumada ku aamanay fulintaanka arintan balse qaar ka mid ah Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa arintan aad u canbaareeyey

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here