Xildhibaan Cabdilqaadir Indha Indho Oo Shaaca Ka Qaaday In Gobolada Iyo Degmooyinka Bariga Bariga Somaliland Ay Ka Hirgalinayaan Diwaangalinta Codbixiyayaasha

0
305

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Xildhibaan Cabdilqaadir Indho Indho oo ka mida xildhibaanada golaha Guurtida  Somaliland ayaa siweyn ugu mahadnaqay Koomiishanka Doorashooyinka qaranka ee hawsha diwaangalinta ka wada gobolka Togdheer.

Xildhibaan Cabdilqaadir sidoo kale waxaa uu dadweynaha reer Togdheer u soo jeediyay inay la shaqeeyaan laamaha aamaanka iyo cidkasta oo wada hawsha diwaangalinta oo ay kow ka yihiin Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland waxaanu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya “aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka hawshana siwanaagsan ayaad u wadaan, waad ku mahadsan tihiin dadweynaha reer Togdheerna waxaan leeyahay nabadina ilaashada,kaadhkuna meel walba waxbuu idiinka taraya ee siwanaagsan oo asluubleh oo sidii shalay aad u qaadanayseena u wada,nabadgaliyana ku codeeya kaadhkana ku qaata,Illaahayna waxaan idiinka rajeynaynaa inuu gobolkiinu ku dhamaado gobolkii ugu horeeyay weeyaan waana guri Islaam oo uu noqdo gobolkii gobolada kale ku dayan lahaayeen”

Xildhibaan Cabdilqaadir Indha Indho waxa uu sheegay in ay diwaangalinta geyn doonaan gobolada iyo degmooyinka bariga Somaliland waxanu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya “anigu maalintaa waan joogaya idina waad iraacaysaan, Xudun baanu geynaynaa Taleexbaanu Gaynaynaa, Ceerigaabo ayaanu geynaynaa, Laascaanood ayaanu geynaynaa meel wal oo Somaliland ahba waanu geynaynaa,raga meelaha ka qayl qaylinaya eel eh waxbaanu samaynaa waxaanu leenahay All nidaam waasac,halka diwaangalintu ka dhacaysayna aynu isugu nimaadno oo sidiini hayaacina markaanu dadka diwaangalinayno”

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here