Hargeysa(Xogsoormedia.com) Xildhiaab Xasan Shahar oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee dawlada hoose ee caasimada Hargeysa, kana mid ah guddida arrimaha bulshada oo warbaahinta kula hadlay goobtii ay ku soo bandhigeen daqiiqda wakhtigeedu dhamaaday ee ay soo qabteen ayaa waxa uu yidhi “in cuntadii dadku isticmaalayay xageeda nalaga maro oo maanta ummadii wax khatar ku ah aynu indhaheena ku aragno, mid shiciba iyo mid masuula, waa xil ina wada saaran wixii dhibaato iyo khatar inagu keenaya inaynu meel uga soo wada jeesanno, maalin walba qof baa dhintay ayaad maqashaan ama xanuuno aan hore u jiri jirin waxaas-na waxaa u sababa waxyaabahan inta ay dhacaan hadana dib loo cusboonaysiiyo, hore waanu u qabanay alaabo dhacday oo noocan oo kale ah oo aan la daadin maxakamad baanunu ku geynay”
Halkan Ka Daawo Warkaas Oo FaahFaahsan