Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Dacwad Ay Ka Gudbiyeen KULMIYE iyo Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha Ee Maanta Ka Bilaabantay Gobolka Togdheer

0
325

Burco(Xogsoormedia.com):- Xisbiga Mucaaridka ah ee  WADDANI,ayaa ka hadlay diiwaan galinta codbixiyeyaasha ee gobolka Togdheer,waxaanu Xisbiga WADDANI si guud ugu hambalyeeyay guud ahaan bulshada reer togdheer ee maanta ay  u bilaabantay diiwaan galinta codbixiyeyaasha.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo waraysi gaar ah siiyay shabakada wararka ee Xogsoormedia.com isagoo ku sugan magaalada Burco,ayaa inraa raaciyay eedayn uu u soo jeediyay Xisbi Xaakimka talada haya ee KULMIYE iyo masuuliyiinta dawladda ee heer gobol iyo degmo oo uu sheegay in ay olole xisbi oo gaar ah in ay ka galeen gobolka isla markaana ay wadaan kaambayn xisbi oo aan xiligiisii la gaadhin.

uurcadee

“diiwaan galinta codbixiyeyaashui si wanaagsan ayay Burco uga bilaabantay oo ay dadku ugu soo baxeen inay is diiwaan galiyaan  in kasta oo ay jirto arimo ku qabyo ah Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ay ka mid yihiin meelo ay wakhtigii loogu talo galay dib uga dhacday in ay ka bilaabanto diiwaan galinta codbixiyeyaashu laakiin hadana dadku waa u diyaar in ay is diiwaan galiyaan oo ay qaataan kaadhka codbixiyeyaasha.”ayuu yidhi Xoghayaha guud.

waxaanu intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata kana hadlaya eedaynta uu u jeediyay Xisbi Xaakimka talada haya ee KULMIYE. “Waxaa ka dhacay gobolka olole gaar ah oo ay ku  kaceen Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo wefti uu hoggaaminayay Guddoomiye Muuse Biixi ahna musharax madaxweyne ee Xisbigaas oo magaalada ka sameeyay kaambayn siyaasadeed oo xisbi gaar ah loogu ololaynayo iyo masuuliyiintoii degmada iyo kuwii gobolka oo madaxdii KULMIYE hor kacaya oo shaqooyinkii dawladda wada dacayacay soona faaruqiyay xafiisyadii ay ahayd in ay dadka ugu shaqeeyaan, markaa waxaanu dacwad u gudbinay gudiga Doorashooyinka oo aanu ka war sugaynaa in ay wax ka qabtaan.”

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Boorama Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here