Ceel-Cade (Xogsoormedia.com) Waxgaradka degmada Ceel-cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay aasayaan Meydadka ku dhawaad 100 askari Kenyaan ah kuwaasi oo lagu laayey dagaalkii shalay ka dhacay deggaankaasi. Shicibka deggaankaasi ayaa go’aankan qaatay kadib markii ay ka cabsadeen inay cudurro ka qadaan. Dhanka kalena Boqolaal katirsan Ciidamada Al-Shabaab ayaa isku fidiyay deggaanada Hoos yimaad Ceelcadde.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo warbaahinta qaar soo xiganayso ayaa sheegaya in dhammaan wixii gaadiid dagaal ahaa ee ciidanka Kenya laga qabsaday ay qaateen ciidamada Al-Shabaab.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shalay gelinkii dambe illaa iyo xalay ay xoogaga Al-Shabaab degmada ka daad-guraynayeen gaadiid gaashaaman iyo saanada hub ah oo ciidanka Kenya laga qabsaday.
Xoogagga Al-Shabaab waxay jiiteen gaadiid ku waxyeeloobay dagaalka iyo gaadiid shaqeynaya, gudaha xerada Ceel-cadana salabaha ayay mariyeen wayna ka faaruqiyeen wixii agab ahaa ee yaallay oo dhan.
Calanka Madoow ee dhaxda ku leh Towxiidka ayaa ka babanaya dhammaan saldhigyada ciidanka Kenya, saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay fagaarayaal kula hadlay shacabka waxayna ugu baaqeen in ay is dejiyaan isla markaana degmada sharciga Islaamka lagu maamuli doono.
Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maantadan ku sugna deggaankaasi, waxaana Khasaaraha dhimashada ciidanka Kenya kasoo gaadhay dagaalkii shalay uu gaadhay 100 askari waxaana la filayaa in war rasmi ah uu saacadaha soo socda kasoo baxo hoggaanka Shabaabul Mujaahidiin.
Dhanka dowladda Kenya oo dagaalkan ka hadashay ayaa ayaa qiratay in khasaara xooggan ciidankeeda lagu gaadhsiiyey dagaalkaasi, Waxaana madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo hadal kooban jeediyay uu sheegay in tobanaan ka tirsan milleteriga Kenya lagu dilay weerarkii deegaanka Ceel-cadde.
Hoggaamiyaha Kenya oo ka murugaysnaa xasuuqa loo geystay ciidankiisa ayaa sheegay in ay ka aargudan doonaan Al-Shabaab balse wuxuu ka gaabsaday in uu carabaabo khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaadhay dagaalkii Ceel-cadde.
Dhanka kale Xoghayaha guud ee Q.Midoobe Banki Moon ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in wixii ka dhacay Koonfurta soomaaliya ay ahaayeen musiibo ku habsatay wax uu ugu yeedhay Nabad ilaaliyaal caalami ah.
Q.Midoobe waxay cambaaraysay weerarkaasi ay xoogagga Al-Shabaab ku xasuuqday ciidanka Kenya iyo qabsashadii degmada iyadoo ku tilmaantay xadgudub.“Q.Midoobe way cambaaraynaysaa weerarkii Argagaxisada Shabaab ay ku qaadday saldhigga ciidanka Kenya ee Soomaaliya ku sugan, waa fal ka baxsan xeerarka caalamiga ah” Ayuu yidhi Ban Kimoon.
Dhinaca kale madaxweyha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay howlgalkaasi, waxaanu yidhi “Waxaan tacsi u dirayaa Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, shacabka iyo ehaladii ay ka baxeen geesiyaashii naftooda ku waayey iyagoo gudanayaa hawl ay nabad uga dhalinayaan Soomaaliya”
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Xigasho Somaliland Today.com