Burco(Xogsoormedia.com)waxaa maanta gobolka Togdheer guud ahaan si rasmiya uga bilaabantay,qaadashada Kaadhka Cod-bixiyayaasha oo uu ku lifaaqan yahay ka dhalashadu.
Waxaanu hawl-galkani gobolka iyo degmooyinka gobolka Togdheer Ka Socon doona mudo dhan 28-cisho.
waxaanay diwaangalintu maanta ka bilaabantay,185 goobood oo hoos yimaada gobolka Togdheer.
goob joooge madasha ay diwaangalintu ka bilaabantay jooga ayaa sheegay in diwaangalintu si habsami leh ay u socoto waxaanu yidhi “maanta magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer si habsami-leh ayay uga socota diwaangalinta cod-bixiyayaashu dadkuna qaadashada labada Kaadh safaf dhaadheer ayay ugu jiraan”
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com