Nairobi (Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa si calaacal ah u qirtay in askar badan oo ciidanka dalkiisa ahi ay ku baxeen gacanta Al-Shabaab ka dib markii ay Al-Shabaab ciidanka Kenya ku weerareen saldhig Millatari oo ay ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya.
.Uhuru Kenyatta oo ka hadlayay ciidaniisa saaka Soomaaliya ay ku dishay Al-Shabaab ayaa sheegay in ay ka xunyihiin dawlad ahaan qasaaraha ciidankooda soo gaadhay iyo dhimashada askartooda waxaanu intaa raaciyay in ay garab taagan yihiin oo ay la murugoonayaan qoysaska askartu ka geeriyootay.
.
“Nasiib-darro, tiro ka mid ah askarteenna geesiyaasha oo ku labisnaa dharka ciidankeenna ayaa la dilay,” ayuu Kenyatta ku yiri war-saxaafadeed uu maanta soo saaray, isagoo intaas ku daray. “Waxaan doonayaa inaan halkaan ka caddeeyo inaan murugada la Qayb-sanayno qoysaska askartan la dilay, waxaana leeyahay, Waan idin Garab-taagan nahay, Qaranka oo dhanna way idin garab taagan yihiin.”
Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab,ayaa sheegatay in ay dileen ugu yaraan 70 askari oo ka tirsan ciidanka Kenya isla markaana ay kala wareegeen xero ciidan oo ku taalla deegaanka Ceel Cadde.
Kooxda Al-Shabaab,ayaa marar badan weeraro ay ku qaaday ciidanka Kenya eek u sugan Soomaaliya waxay ugu geysatay qasaare kala duwan.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland