Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe,ayaa waxba kama jiraan ka dhigay magacaabis iyo xil ka qaadis uu Musharax Jamaal Cali ku sameeyay xubno iyo xilal xisbiga ka mid ah gaar ahaan kuwa dibada.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxaa uu sheegay in aanay waxba ka jirin magacaabista iyo xil ka qaadista uu musharax Jamaal sameeyay waxaanu intaa ku daray in masuuliyiintii hore xilalkaa u hayay in ay shaqadooda sii wataan.
Waxaanu sidaa ku sheegay war qoraal ah oo uu soosaaray oo u dhignaa sidan.
ku: Dhamaan Laamaha Debeda Xisbiga UCID
OG: Musharaxa Xisbiga UCID
OG: Gudida Fulinta
UJEEDO/ War-galin Muhiim Ah
Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Waxaa uu Qoraalkan ku War galinayaa Dhamaan inta ay khusayso in uu dhawaan Musharaxa Madaxwayne Xisbiga UCID uu magacaabay Xilal Sharciga Xisbiga Baal Marsan. Magacaabistaasina ay joojisay Hawl maalmeedkii shaqo qaybo ka mida laamaha debbada
Haddaba Waxaa lala socod siinayaa dhamaan inta ay warqadani sida tooska ah ugu socoto, Xeer hoosaadka Xisbiga UCID iyo Sharciga Xisbiga UCID midna aanay ku qeexnayn meelna aanay kaga jirin Magacaabistaasi isla markaana aan la gaadhin xiligii kaambaynka oo anay Sharci ahayn xisbigana aanay matali Karin dadkaas la magacaabay
Ugu danbayntii Xisbi ahaan Waa in aynu dhawrnaa Sharciga iyo kala Danbaynta Xisbiga UCID, waxaana laamaha Debada la la Socodsiinayaa in ay Shaqadoodii Sidoodii u wataan hawl maalmeedkoodi shaqana gutaan.
Eng Faysal Cali Waraabe
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland