Hargeysa(Xogsoormia.om):- Xukuumadda Somaliland,ayaa jawaab adag ka bixisay hadal cambaarayn ah oo ka soo yeedhay Midawga Yurub oo Somaliland ku cambaareeyay fulinta qisaas lagu fuliyay doraad dhawr qof oo gacan ku dhiigleyaal ahaa ooh ore si badheedh ah dilal kala duwan ugu kala dilay afar qof
Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka Somaliland Axmed Faarax Cadarre,ayaa cambaaraynta Midawga Yurub ku tilmaamay hadal aan Somaliland qusayn oo aan waxba ka bedelayn in ay Somaliland ku dhaqanta isla markaana ay fuliso xukunka shareecada Islaamku u jidaysay iyo qawaaniinta dalka u yaalla ee sharciga ah ee uu ugu horreeyo Dastuurka Somaliland oo waafaqsan shareecada Islaamka.
Waxaa kale oo uu sheegay in fulinta dilka qisaasta ahi uu yahay mid ay ku jirto nabad gelyada iyo ammaanka ummada Somaliland taasoo ah mid ALLE waajibiyay oo lagu kala nabad gelayo isla markaana qofkii gacan ku dhiiglaha ahaana uu marayo xukun sharci ALLE ah.
Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Somaliland waxaa uu sidaa ku sheegay mar uu xalay Wargeyska DAWAN wax ka waydiiyay sida ay Xukuumad ahaan u arkaan cambaaraynta Miadwga Yurub Somaliland ugu soo jeediyeen dilalka qisaasta ah ee ay fulisay.Waxaanu ku jawaabay wasiirku sidan. “Horta marka hore Somaliland waa dal qaran ah oo jira oo leh shuruucdiisa iyo qawaaniin uu ku dhaqmo,kuwaasoo dhamaantood waafaqsan shareecada Islaamka,xukunka qisaasta ah ee Somaliland ay fulisayna waa xukun ALLE jideeyay oo ah in qofka qof si badheedh ah u dila in la dilo ALLE ,ayaa jideeyay waana xukun diini ah,intaa waxaan raacinayaa dilalka qisaasta ah ee la fuliyay waxaay soo mareen jaran jarooyinka garsoorka dalka ee hoose ilaa sare waxaanay lahaayeen qareeno difaacayay cid aanay ku caddayn dilka badheedhka ah ee ay gaysatay isla markaana aan Maxkamadaha kala duwan hortooda aanay kaga caddaan oo aan lagaga hor marag furin iyaguna aan qiraal ahayn oo la qisaasay ma jirto.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Dadka la qisaasay maaha dad suuqa laga soo qabtay ama xukun siyaasadeed lagu fuliyay oo siyaasad loo dilay laakiin waa dad dil ay gaysteen loo qisaasay mid ay Somaliland fulintiisa cid kale wax ka waydiinaysona maaha,anaga ayaa og halka ay nabad gelyadayadu ku jirto oo ALLE ,ayaa noo sheegay,Midawga Yurubba siday dantooda u garanayaan ayaanu anaguna taayada u naqaanaa, gacan ku dhiigle kasta oo badheedh wax u dilayna waa waajib in uu qisaas maro oo xataa isaga ayay dantiisu ku jirtaa in la qisaaso waanan sii wadaynaa fulinta dilalka qisaasta ah. Xuquuqda Aadamaha iyo sharafta dadkuna waxay ku jirtaa oo kaliya wuxuu ALLE jideeyay oo qudha ”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaladda Caddaalada iyo Garsoorla Somaliland Axmed Faarax Cadarre
Xigasho.DAWAN.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland