Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Ciidanka qaranka Somaliland ayaa saaka la wareegay gacan ku haynta magaalada Balli-cad ee gobolka Buuhoodle oo muddooyinkii dambe oo dhan Xarun u ahayd kooxda uu horjoogaha u yahay Cali Khaliif Galaydh.
Ciidanka qaranka Somaliland,ayaa hawl gal ay saaka kaga dhaqaaqeen fadhiisimada hore ee Ciidanka ee gobolka Buuhoodle ayay kula wareegeen magaalada Bali-cad halka uu isla magaalada kaga baxay firdhaday Horjooge Cali Khaliif Galaydh oo ah hor joogaha kooxda la baxday Khaatumo.
Hawl galka ay ciidanka qaranku kula wareegeen magaalada Balli-cad ayaanu wax qasaaare ahi ka dhalan.
Horjoogaha kooxda Khaatumo ayaa u firdhaday dhanka magaalada Buuhoodle.
Wararkaa iyo wixii ka soo kordhaba kala soco Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland