Barbara(Xogsoormedia.com) Todobadii Cisho ee u danbeeyay ayaa waxaa gebi ahaanba istaagey oo hakad weyni ku yimi Xarakaadkii,Hawlihii & Adeegyadii ka socday Gudaha Dekeda Berbera,Ku darsoo Badeecadihii,Bagaashkii iyo Alaabtii la rogay ayaa is-dultuulantay.Dhaqdhaqaaqyadii Dekedana Gaabis weyn baa ku yimi.
Taas ka sakow Shaqaalaha Dekeda ayaa badidoodu Dekeda taga haddana soo rawaaxa iyagaan Hawlihii ay qaban jireen qaban marka laga reebo Qolyaha kastamada oo iyagu lacagta Canshuurta Kastamka qabta inkastoo aan wax Alaabo ama badeecad ah dekeda laga saarin oo laysu jaakidhay.
Geesta Kalena Shirkadihii iyo Ganacsatadii Badeecadaha kala soo degi jiray dekeda Berbera ayaa cabasho & Qaylo dheeri ka soo yeedhaysaa, kana walaacsan siday wax u socdaan & waxay ka yeeli doonaan Lacag xad-dhaafa oo u dhiganta 65% oo uu ku kordhiyey ama uu duldhigay adeegyada Dekeda Maareeyaha Dekeda Cali Xoorxoor,Tusaale ahaana Kunteenarkii laga qaadi jiray Sl.Sh 2.800.000 ayaa hadda Cali Xoorxoor ku soo rogay inuu bixiyo ama laga qaado Sl.Sh. 5.400.000.
Dadkii Xogmaalka & Muruqmaalka ahaa ee maalin kasta Dekeda u shaqo tegi jiray siiba Dadkii Yoomiyaha (Wages) qaadan jiray ayaa iyana dhawaaq dheeri ka soo baxaya oo Busaaradi soo wajahday Hakadkaas hawlihii dekeda ku yimi awgeed maadabay waayeen yoomkii ay heli jireen.
Isku soo wada duuboo waxaas oo qaylo iyo Cabasho ah ee soo yeedhaya ayaa waxaa loo sibirsaarinayaa maareeyaha dekeda Berbera Eng.Cali Xoorxoor oo lacag xad dhaafa, culaysna ah ku kordhiyey adeegyadii Dekedu qaban jirtay taas oo keentay inay Ganacsatadiina ka jaakidhaan hawlihii dekeduna xanibaan Qaylana soo yeedho
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Xigasho : Ramaas News.com
–