“Waxa lagu helay dambiga ah inay Dad nool nool badda ku gureen”Maxkamadda Gobolka Sanaag
Ceerigaabo(Xogsoormedia.com) Maxakamada gobolka Sanaag ayaa xukuno kala duwan ku riday saddex nin oo waday Dooni siday tahriibayaal oo dhawaan ka soo caariday xeebaha gobolka Sanaag, waxaanay raggaasi ku eedaysnaayeen inay dad nool nool ay bada ku rideen.
Saddexdan nin oo la horkeenay maxakamada gobolka Sanaag ayaa mid kamida lagu xukumay Dil, kuwa kalena waxa lagu xukumay xadhig iyo ganaax lacageed, sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha maxakamada gobolka Sanaag Mudane Muuse Maxamad Jaamac oo dhegeysigii dacwada kadddib akhriyey Xukunka Maxkamadda.
waxaanu yidhi “Maxakamada gobolka Sanaag qaybteeda tashiga ayaa u aqoonsatay. 1 Axmed Cumar Cabdirixiin (Canjeex) inuu yahay danbiile,waxaanay ku heshay fal danbiyeedka ku xusan qodobka 434 ee xeerka ciqaabta guud,waxaanay ku xukuntay dil toogasho ah,waxaanu ku mutaystay markii la cadeeyay inuu dad nool nool uu bada ku riday.
2 Maxamad Bashiir Maxamad waxaa ay maxakamadu u aqoonsatay,danbiile waxaanay ku xukuntay, halsano xadhiga iyo 15-milyan oo ganaaxa oo shilinka Somaliland ah, ninkaas waxaa garaacista xaaladeedu aheyd in dadka la badbaadiy xili Doonidii ay la socdeen amase Laashkii qaraqmay, ulahii lagu fadhiisinayay iyada oo looga jeedo in la sii noolaado in uu si arxandaro ah, uu uga qayb qaatay dadkii dhintay ee bada ku daatay, waana sababta culayska xadiga ganaaxa intaas le,eg loo saaray.
3 Maxamad Yaasin Cali waxaa ay maxakamadu u aqoonsatay danbiile,waxaanay ku xukuntay hal-sano oo xadhiga iyo ganaax dhan shan milyan oo shilinka Somaliland ah sababta u ganaaxisu uu yar yahay ninka kale ayaa ah, ninkaasi waxaa uu qayb ka ahaa tahriibinta oo danbiya iyo doonta yar, oo aheyd xadiga dadka lagu cidhiidhiyay laakiin waxaa uu muujinayay naxariis aad u faro badan, waxanu ku dhawaaqay xiligii dhibanayaashu kacayeen waar dad nool yaan bada lagu tuurin,.
4 Laashka waxaa ay maxakamadu ganaaxday lacag dhan 6-kun oo dollar oo ah qiimaha Laashka, saddex meeloodow meel maadaama uu yahay, markii ugu horeysay ee uu ku soo xad-gudbo xadka xeebta Somaliland. Xukunkana waxaa loo cuskaday shareecada Islaamka, Kitaabka Muqniyal Muxtaaj, mujaladka 4aad, safxada 191 ilaa 192 iyo qodobka 434 ee xeerka ciqaabta guud,iyo xeerka bada qodobkiisa 5aad,xeerkana waxaa la soo saaray maanta oo ay taariikhdu tahay 11/1/2016.” Ayuu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka sanaag.
Xeer ilaaliyaha guud ee maxakamada gobolka Sanaag Mudane Yaasin Maxamuudd oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku qanceen xukunka lagu riday raga Eeddeysaneyaasha ah, waxaanu yidhi “inay tahriibiyeen dad laash dhan 15 Mitira ay ku qaadeen 106 qof oo oo ah dad bini aadama oo tahriibayaal Itoobiyaana, waxay ka qaadeen cuntadii oo ay u diideen,waxay ka qayb qaateen garaacista dadka bada lagu dadiyay ee dhintay,waananu ku qanacsanahay wixii aanan ku qancina racfaanbaanu ka qaadanay oo nidaamkeeda ayaanu marin doona.” Ayuu yidhi.
Wariye: Cabdiraxmaan Maxamad Xidig
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland