Madaxweynaha Somaliland Oo Digniin Adag U Diray Xukuumada Soomaaliya + Sawiradii Maanta Ee Labada Gole

0
271

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Madaxweynaha  Somaliland Mudane  Axmed Maxamad Maxamuud (Siilaanyo)  ayaa ka hadlay faragalin uu sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku heyso dawlada  Somaliland.

Siilaanyo waxa uu sheegay in Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay Somaliland ka dhexwado arrimo aan loo baahneyn oo uu sheegay inay kala dhantaali karto Siyaasada labada dhan.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamad Maxamuud (Siilaanyo)  ayaa hadalkaani ka sheegay xili uu maanta khudbad sandeedkii dastuuriga u jeediyey labada gole ee Wasiirada iyo Baarlamaanka dawlada  Somaliland,waxa uuna ku dheeraaday faragalinta uu sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku heyso Somaliland.

Nuqul ka mid ah Khudbadiisa ah oo soo gaadhay shabakada wararka ee Xogsoormedia ayaa waxaa uu u dhignaa sidan  “Waan la socnaa in Dowlada Somalia ay soo abaabushay kooxo khal khal galinaya deganaansha Somaliland waxaan ka digayaa in Soomaaliya ay faragalin ku sameyso Siyaasada Somaliland”.

Waxa uu ka gaabsaday inuu sheego waxa uu yahay abaabulka waxa uuna sheegay in faragalinta Dowlada Somalia ay tahay mid muuqata oo aanay  ka aamusi doonin.

Madaxweyne  Siilaanyo waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliland aanay marnaba  u dul qaadan doonin in lagu xadgudbo ciideeda iyo calankeeda, isaga oo Siyaasiyiinta maamulka kaga digay in Siyaasada Somalia ay ka dhex abuuraan gayiga Somaliland.

Wuxuu intaa raaciyay Khudbadiisu intii ay socotay in dawlada  Somaliland ay ka madax-banaantay Soomaaliya, sidaa awgeedna loo baahan yahay in Soomaaliya ay faragalinta ka dayso Somaliland.

Dowlada Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay ixtiramato Somaliland, haddii buu yidhi ay ka waayan ixtiraam inaanay  gacanta kala laaban doonin.

Waxa uu xusay in Somaliland ay diyaar u tahay inay dar-dar geliso wada-hadallada u dhaxeeya labada dhinac.

Dhanka kale, Madaxweynaha wuxuu khudbadiisa ku xusay in sanadkan cusub uu dardar-galinayo dedaalka loogu jiro ictiraaf raadinta Somaliland, isagoo sheegay in qurbo jooga ku sugan caalamka u abaabuli doonaan sidii dalalka ay joogaan uga dhaadhicin doonaan ictiraafka.

hr1

hr2

hr3

hr4

hr5

hr6

hr7Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland 

Khadarhoryaal@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here