Hargeysa(Xogsoormedia.com)Dowladda somaliland ayaa maanta markii labaad dil toogasho ah ku fulisay lix rux, qisaastan oo saaka ay ciidamadda somaliland fuliyeen.
Xukuumada Somaliland qisaas dila ku fulisay lix ruux oo ay ku cadaaday inay danbiyo kala duwan ay geysteen , kuwaasi oo lagu toogtay lix gacan ku dhiigle oo lagu helay inay si badheedh ah u toogteen askar iyo masuuliyiin kale .
Lixdani nin oo lagu kala toogtay deeganadda Dararweyne , Madheera iyo Borama waxaa ka mid ahaa askari dhawaan toogtay taliyihii ciidanka birmadda ee gobolka Saaxil waxaanna gacan ku dhiglahaasi lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Maxamed Kheyre .
in siddoo kale la toogtay laba askari oo saraakiil ku toogtay boorama iyo muwaadin dhawaan gaadhi ku jiidhsiiyay askari taraafig ah magaalada Hargeysa.
Sida shabakada wararka ee Xogsoormedia ay ka soo xiganayso ila wareedyo lagu kalsoonaankaro.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland