Hargeysa(Xogsoormedia.com) sanadkii ugu danbeeyay 2015 tirada ugu badan ee hoyga boodhinka Sallaxley ku jirtay waxaa ay ahayd 27,arday, tirada ardaydaa kor ku xusan waxaa lagu sheega inay ku baxdo lagac dhan, 5,shan milyan sl shl, oo ay siiso dawlada dhexe, iyo 1,hal milyan sl shl, oo iyana ay boodhinka ku caawiso dawlada hoose ee degmada sallaxley halka lixdii biloodna laga qaado guud ahaan ardayda boodhinka ku xaraysan 3,400 oo kun shilin una dhiganta calaa arday 200,000 kun oo shilinka somaliland ah
dhamaan raashinka adag ee loo kariyo ardayda boodhinka ku xaraysana waxaa bixiya wfp iyo ururka gaaroodi halka xukuumada iyo wasaarada waxbarashada somaliland loogu sheego inay hoyga boodhinka sallaxley ku jiraan arday gaadhaysa 90 shan arday taasoo waxba kama jiraan ah.
waxyaabaha layaabka leh iyo farsamooyinka lagactaas lagu lunsado waxaa kamid ah sida caadada noqotay iyadoo marka xukuumada dhexe ama wasaarada waxbarashada masuuliyiin katirsani ay soo booqdaan boodhinka ama laga war heli inay imanayaan degmasa sallaxley in 90, shan sariirood oo madhan lasii goglo isla markaana lagu fadhiisiyo ciyaal suuqa laga soo ururiyay oo been abuur ah si loo tuso masuuliyiintaa ama wefdiga meesha soo booqday inay 90,shan arday dhigtaan boodhinka.
taasoo been abuurad caadaana ah hadaba waxaa iswaydiin mudan lacagtaasi kor ku xusan ama kharashaadka loogu tala galay ardayda boodhinka sallaxley in wax loogu qabto halka ay qabato ama qasnada ay ku dhacdo?, jaawabtuna waxaa ay noqonaysaa in lacagtaasi sidii loogu talagalay aanay u gaadhin boodhibka sallaxley.
taasoo uu ku tagri fallo ama dhamaanteedba ay ku dhacdo jeebka gudoomiyaha waxbarashada ee degmada sallaxley cabdi raxmaan diiriye ismaaciil kasoo caqabad ku ah horumarka boodhinka sallaxley ahna musuq maasuqaha ugu wayn ee kharashaadka loogu tala galay in lagu kaabo ardayda danyarta ah ee wax kabarata boodhinka degmada sallaxley hadaba waxaa sidoo kale mudan in lays waydiiyo,boodhinka sallaxley ma waxaa uu noqday miduu ku shaqaysto oo private’na u ah dhaqaalahiisa inuu jeebka ku rito gudoomiyaha waxbarashada degmada sallaxley cabdiraxmaan diiriye ismaciil, xisaabtaasi ama lacagta kor ku xusan oo sida ay ku baxdo cidina la ogayn cabdi raxmaan diiriye cidina la xisaabtamin siday ku baxdo xoolaha loogu tala galay ardada boodhinka ku xaraysan
hooyga boodhinka ee sallaxley ee maatida ah oo ay ka muuqato ardaydaasi diif iyo darxumo baahsan iyagoo mararka qaarna mugdi iyo macaluul ku seexda iyadoo lagu magacaabo inay miisaaniyada intaa leegi ku baxdo gudoomiyaha waxbarashada ee degmada sallaxley cabdiraxmaan diiriye ismaaciil lacagtaasi majirto cid la og sida ay ku baxdo xiitaa maamulaha boodhinka sallaxley iyo dadka kale ee la shaqeeya. arimaha kale ee layaabka iyo fajaca leh ee uu ku dhaqmo gudoomiyaha waxbarshada degmada Sallaxley ee musuq maasuqa ah waxaa iyana kamid ah in lacagta mushaharka ay bixiso wasaarada waxbarashadu ee barayaasha/macalimiinta wax kadhiga degmada sallaxley in calaa macalin kasta uu ka goosto 25,000 kun oo sl shilin ah, iyadoo ninka sidaa u dhaqmaaya loo haysto nin aamin ah isla markaana ay ururka gaaroodi aaminsanyihiin inuu yahay nin daacad ah balse aanay ogayn wajigiisa dhabta ah iyo musuq maasuqa iyo dulmiga uu ku hayo macaliminta iyo boodhinka sallaxley waxaana xusid mudan in la baadho sababta macalimiinta degmada sallaxley ay uga mushahar hooseeyaan mushaharka macalimiinta kale ee wadanka halka macalimiinta sallaxley ay qaataan 700,000 sl shilin ah
halka ay barayaasha kale ee dalku qaataan 725,000 sl shilin arintaasina waa mid u baahan inay si dag dag ah talaabo uga qaado, ka jawaab celinteedana daba galkeedana looga fadhiyo ,wasaarada waxbarasha iyo tacliinta sare ee somaliland. hadaba waxaa lagama maarmaan ah in sida ugu dhaqsaha badan leh loogu gurmado boodhinka sallaxley iyo ardayda hooyga sallaxley ee sida badheedhka ah loo cuno xaqooda waxaana muhiim ah xukuumada, w waxbarashada, bulshada deegaanka, ururka gaaroodi, qurbajoogta, iyo inta jecel wanaaga iyo hurumarka dugsiga boodhinka ah ee hooyga Sallaxley inay arinkaa baadhitaan deg deg ah ku sameeyaan isla markaana wax laga qabto talaabana laga qaado oo lala xisaantamo gafanayaasha ku naaxay hantida ubadka yar yar ee baahan isla markaana ku xaraysan dugsiga boodhinka /hoyga sallaxley. run ahaantii arintani waa wax laga naxo oo sharaf xumo ku ah waxgaradka iyo haldoorka kasoo jeeda deegaanka hadii aan dhaqso wax looga qaban wax indhaha laga qarsan karana maaha hadii aan hore wax looga qaban oo la daawayna waxaa ay cawaaqib xumo ku noqon doontaa isla markaana cuuryaamin doontaa geedi socodka iyo horumarka dhanka waxbarasahada ee degmada sallaxley ama albaabada u xidhi doontaa boodhinka salaxley, in lala cida ka masuulka ah ee loo idmaday shaqadaasi warbixintani waa mid ku salaysan xaqiiqo kana fog been abuurasho iyo xajiimayn cidii u baahataana ay heli karto.
Xogsoormedia.com
hargeysa somaliland