“Dawladda Iiran Dulqaad Badan Oo Ah Falalka Ay Dalkeenna Ka Wadeen Ka Dib Ayaanu Go’aan Ka Qaadanay’’ Madaxweynaha Soomaaliya.

0
277

Muqdisho(Xogsoormedia.com)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Iiraan ay falal amniga iyo xasiloonida Soomaaliya lagu carqaladeynayo faraha kula jirtey, sababtaasi awgeedna ay Dowladda Federaalka Soomaaliya xidhiidhka ugu jartey.

“Xukuumadda Iiraan oo ka faa’iideysaneysa marxaladda adag ee dalkeenu marayo ayaa waxay dooneysey inay fitno dhanka caqiiddada ah ku beerto dalkeena, taas oo dhibaato ku noqon karta nabadda iyo xasiloonida qaranka. Markaan dulqaad badan muujiney, isla markaana aan helnay caddeymo ku filan oo falalka ay faraha kula jireen la xidhiidha, ayaan goosaney inaan xidhiidhka u jarno si aan ugu tudhno dalka iyo shacabka u ooman nabadda’’, ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay wararka sheegaya in sababta ay Soomaaliya xidhiidhka ugu jartey IIraan ay la xidhiidho xurgufta siyaasadeed ee dhex taalla Boqortooyada Sacuudiga iyo xukuumadda Tehran.

“Dacaayadaha ku saabsan inaan taageerada Sacuudiga awgeed xidhiidhka ugu jarney Iiraan sax ma ahan. Muddo ayaan si hoose dabagal ugu hayney dhaqdhaqaaqa saraakiil reer Iiraan ah oo mad-habta Shiicada ku faafinayey Soomaaliya. Saraakiishaasi waxay horey uga soo hawlgaleen dalal kale oo hawlo noocaani ah ay ka soo qabteen. Haatanna waxay doonayeen inay dalkeena fitno taa la mid ah ka abuuraan. Ilaahay mahaddii xog buuxda ayaan ka helnay, waana ka tashanay, inagoo eegayna danta qarankeena’’.

Dhanka kale,Todobaadkii hore ayay ahayd kaddib markii ay dowladdda Soomaaliya sheegtay in weerarkii lagu qaaday safaaradda Sacuudiga ee Tehran uu jabinayo heshiisyadii caalamiga ahaa ee dhinaca diblomaasiyadda 1961-kii ee magaalada Viena dalka Ustari.

Iyadoona War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Todobaadkii hore lagu sheegay in Diblomaasiyiinta Iiraan ee ku sugan magaalada Muqdisho laga codsaday inay dalka uga baxaan muddo 72-saacadood, kadib go’aan ay soo saareen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya kaas oo ay sheegeen inay xidhiidhka ugu jareen dowladda Iiraan.

Xogsoormedia.com

xogsoor@gmail.com

hargeysa somaliland

khadarhoryaal@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here