Afar Xukuumad Goboleed’Dawladda Muqdisho’ Itoobiya’ Igad iyo Beesha Caalamka Oo Ka Shiraya Mustaqbalka Soomaaliya

0
304

Madaxda Soomaaliya Shirkooda berri maku midoobi doonaan oo Somaliland ma kaga dayan doonaan sida dawladnimo loo wada yeesho?

Kismaayo (Xogsoormdia.com):-Dalka Soomaaliya,ayaa waxaa ka jira Maamul goboledyo dhawr ah oo mid kastaaba uu leeyahay Xukuumad,baarlamaan ,ciidan u gaar ah iyo caasimad u gooniya kuwaasoo dhamaantood mid kastaaba sheegto in uu masuul ka yahay masiirka gobolada uu ka taliyo iyo deegaamada uu xukumo ama ugu yaraan ay deggen yihiin beelaha ku abtirsada deegaankaas ee ay isku qolada yihiin Madaxweynaha maamul goboleedka halkaa ka jira.

kis

Waxaa kale oo ay Madaxda Maamul goboleedyadu heshiis iyo xidhiidh dhaw la leeyihiin dawladaha dariska la ah ah Soomaaliya ee ka tirsan urur goboleedka Igad,iyo Beesha caalamka oo inta badan dhiiri galiya samaynta maamul goboleedyada Soomaaliya.

Waxaa kale oo Soomaaliya ka jirta Xukuumad dhexe oo la aqoonsan yahay isla markaana waxaa uu alka Soomaaliya ka baxay nidaamkii ay caalamku ugu magac dareen ku meel gaadhka ee ku soo bilaabmay dawladdii lagu soo dhisay Carta ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Hadaba waxaa maalinta Berri ah shir uga furmayaa magaalada Kismaayo oo Xarun u ah Maamul goboleedka Jubaland oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe Madaxda Maamul goboleedyada Soomaaliya oo kala ah Puntland,Jubaland,Koonfurgalbeed,Galmudug iyo Xukuumadda Muqdisho oo dhamaantood ku wada abtirsanaya nidaamka loogu yeedhay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Weftiyo ka kala socda Itoobiya,Igad,Midawga Afrika iyo midawga Yurub oo lagaga wada hadlayo mustaqbalka Soomaaliya iyo higsiga siyaasadeed ee Soomaaliya ay uga guurayso halka ay maanta marayso.

Waxaana la doonayaa in ay shirkan ka soo baxaan qaabka ay u dhacayso doorashada Soomaaliya ka dhici doonta ee lagu bedeli doono madaxda Dawladda Soomaaliya ee bedeli doona masuuliyiinta wakhtigan xilka u haya xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho degen.

Xubnaha Wufuudda ah ee illaa hadda Kismaayo gaadhay ee ka qayb gelaya shirka ayaa kala ah wefti uu hoggaaminayo Raysal-wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid, Madaxweynaha Puntland C/weli Max’ed Cali Gaas, Madaxweeynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, madaxweeynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhenon, Wakiilka Ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Max’ed Cabdi Afeey iyo wakiillo ka socday Midowga Yurub.

Hadaba waxay is waydiintu tahay Iboobiya,Igad,Midawga Afrika iyo Midawga Yurub iyo hoggaamiyeyaasha Soomaaliya isku si wax ma u wada arkaan oo ma doonayaan in Soomaaliya ay xal kama dambays ah gaadho oo ay ka soo baxaan shirkooda wax dan u ah Soomaaliya oo ay kaga baxdo qalalaasaha ay ku soo jirtay 26,ka. Sano ee ay burbursanayd Dawladdii la odhan jiray Soomaali weyn .

Madaxda Soomaaliya,se ma noqon doonaan kuwo dantooda garta oo intay meel isugu yimaadaan aayahooda ka tashada oo kaga dayda Somaliland sida wax loo wada yeesho ee dawlad loo wada dhisan karo mise waxay taladoodu ka go,daa weftiyada caalamka kale kaga yimi oo taladooda gacanta ku haya.

Mise waxaa kaliya ee ay hore ugu midaysnaayeen oo ahaa Midnimada Soomaaliya waa muqadas iyo Somaliland ma go.i karto oo kaliya iyagoo isku raacsan ayay shirkaana ka soo dareeri doonaan. Shirkaa Kismaayo,se sabab ma u noqon doonaa in ay ka soo baxaan Soomaaliya kooxo kale oo argagixiso loogu yeedho oo ka soo hor jeesta waxa halkaa ka soo baxa ee ay caalamku soomaaliya ka saxeexaan?

Dhamaan su’aalahaasi waa qaar jawaabtoodu ku xidhan tahay hoggaamiyeyaasha iyo jilayaasha siyaasadda Soomaaliya ee Kismaayo aroorta ku wada shiraya oo kulankoodu haddii uu yeelan waayo wax ka duwan kuwii ay hore u wada yeesheen uu noqon doono oo kaliya kulan ay wada shaahayntooda diyaarado u soo raaceen.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here