Nayroobi(Xogsoormedia.com) Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay u dhinteen, xanuunka shuban biyoodka oo ka dilaacay xerada qaxoontiga ee Dhadhaab,ee dalka Kenya.
Xeradaas oo ay dagan yihiin ku dad aad u tiro badan oo qaxoontiya,waxaana la sheegay in xanuunkani uu soo ritay dad gaadhaya, ilaa 1000 qoys,sida ay shaaca ka qaadeen saraakiilka socotay qaramada Midoobay oo indho indheyn ku tagay xerada dhadhab.
Xanuunkan shuban biyoodka ayaa xeradan ka dilaacay sanadkii dhamaaday bilowgiisi;waxaana la sheegay in ay xeradan galaan oo ay hoy u tahay dad gaadhaya ilaa 350,000(saddex boqol iyo konton kun) oo Somali ah sida uu sheegay Cismaan Yuusuf Axmed oo ka tirsan laanta qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR.
Shaqaalaha hay’adaha gargaarka ayaa la soo sheegayaa in ay xeradaasi ka wadaan dadaalo xoogan oo ay doonayaan in ay ku hakiyaan xawliga uu ku socdo cudurka Shuban Biyoodka.
“muhiimada ugu weyn waa dhinaca faya dhowrka iyo sida ay ula taacalaan kooxaha shaqaalaha gargaarka si loo dhimo qatarta cudurka” sidaasi waxaa mar kale yiri Cismaan Yuusuf”.
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com