Muqdisho(Xogsoormedia.com)Ururka iskaashatooyinka Bajaajta ee gobolka banaadir ayaa maanta xafiis cusub ka furtay Magaalad Muqdisho,iyada oo gudoomiye cusubna loo doortay Cabdi Aadan Barow
Xili ay Mooto Bajaajta ku soo Badaneyso dalka Somaliya miyi iyo Magaalaba ayaa waxaa kaalmaha Hore ugu jirtaa gawaarida loogu jecel yahay raacitaankooda oo ay si aad ah u isticmaalaan haweenka caruurta iyo waayeelkaba ,si gaar ahna dadka danyarta ah , tasina waxay ku kasbatay lacagaha lagu kireysto oo dadweynaha raali galiyey.
waxaana caqabado ay kala kulmaan laamaha amaanka iyo ciidanka ilaalada deegaanka ama Dowlada hoose ee deegaanka ay ka howlgalaan waxayna sheegeen in horey looga qaadi jiray lacago aanay awoodin inkasta oo haatan Dowladu ka dhintay lacagtaas .
Wadayaasha iyo milkiilayaasha ayaa arintaa soo wada dhaweeyey waxayna Muqdisho kaga dhawaaqeen urur u dooda Xaquuda ay leeyihiin waxaana loogu magacdaray Ururka iskaashatooyinka Mootooyinka Gobolka banaadir kuwaas oo gudoomiye u doortay Cabdiraxmaan Adan barow .
Munaasibad balaaran oo lagu soo dhaweynayey gudoomiyaha Ururka iskaashatooyinka Mootooyinka Gobolka banaadir isla markaana ay gudoomiye ugu doorteen Cabdiraxmaan Adan barow ayaa lagu qabtay Hotelka City plaza ee magaalada Muqdisho .
Gudoomiyaha ladoortay ee Cabdiraxmaan Adan barow ayaa halkaa ka jeediyey qudbad aad ay u soo dhaweeyeen ka qeybgalyaasha xaflada wuxuunaka ku dheeraaday sharaxaada iyo wixii ku dhaliyey in ay ururkaan ku dhawaaqaan iyo danta iyo ujeedka laga leeyahay .
Cabdiraxmaan Adan barow gudoomiyahay Ururka iskaashatooyinka Mootooyinka Gobolka banaadir ayaa xusay in ay soo dhaweynayaan go.aanka Dowlada hoose ay lacagaha kaga dhimeyso iskaashatadaan cusub ee gaadiidka Mooto bajaajta wuxuna sheegay in ay dhibaatooyin baaxad leh ku qabeen xiliga ay ku guda jiraan howlahooda shaqo .
Gudoomiyahay Ururada bulshada rayidka ah Muxudiin Xasan Afrax iyo gudoomiyaha haweenka Gobolka Banaadir jawaahir Baarqab ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey ku dhawaaqista Ururka iskaashatooyinka Mootooyinka Gobolka banaadir iyo Gudomiyaha cusub ee ay u doorteen Cabdiraxmaan Adan barow
Xooghaayahay Maamulka Gobolka banadir Maxamed Amiin Sheekh oo Munaasibada soo gabagabeeyey ayaa madasha kaga dhawaaqay in ay dowladu Aqoonsatay isla markaana ay ka dhimeyso lacagihii Canshuurta ama soostada ahaa ee laga qaadi jiray Ururka iskaashatooyinka Mootooyinka Gobolka banaadir.
Maxamed Amiin ayaa goobta ka cadeeyey in horey halkii mooto looga qaadi jiray $30 taaso sida ay sheegeen Milkiilayaasha iyo darawaladuba ay dhib ku qabeen wuxuuna intaa ku daray halkiisa in qiimo dhimis lagu sameeyey xaalkuna haatan ka dib noqonayo bishiiba $15
shirkaan oo ay ka soo qeybgaleen ku In kabadan 10 kun oo ruux ayaa goobta waxaa is qabsaday sacab iyo sawaxan aan cadi aheyn taasi oo u muuqatay falaar feraha laga taagan oo mar qura laga saray waxaana laga deeramay wajiyadooda farxad aan la qiyaasi Karin
tan iyo markii ay bilaabatay shaqada mooto bajaajta ayaa waxaa shaqo abuur dhalinyaro aad u tira badan kuwaas oo qaarkood ku fikirayey in ay dalka ka tahriibaan waxaana ka mid ah in badan oo waalidiintoodu u iibiyeen Bajaajta waxayna dhiiri galineysaa arintaani in ka badan toban kun oo iyagu ku howlan wadista iyo kireynta Mooto bajaajta.
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa SomalilandÂ
Khadarhoryaal@gmail.com