Hooyo 20-sano La Kacaa Kufaysa Wiil Ay Dhashay Oo Mujaahida

0
374

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Hooyo Maryama Bare Abiib waxaa ay ka mid tahay hooyooyinka danyarta ah ee degan xaafada iskuraranta istaad House-ka hayre, waxay haysataa Nin Maskaxda ka jiranaa muddo 20 sannadood ah, oo oo magaciisa la yidhaahdo, Nuur Cabdi Caydiid ahna mujaahidiintii wadanka halganka qadhaadh u soo galay.DSC02066

kaa soo sida ay sheegtay muddadii uu xanuunsanayey oo dhan ay gacanta ku haysay, iyadoo aan wax hanti ah oo ay ku daryeesho aan haysan.

Hooyo Maryama Bare Abiib  iyada oo ka warbixinaysa duruufaha nololeed eek u gadaaman iyo sida aanay cidina uga caawin wiilkeedan xanuusanaya waxaa ay tidhi “duruufta meesha nagu haysata waxaa noogu weyn ninkaas xanuusanaya, ee mujaahidka ah xanuunka qabayna waa 20-sano, waxaanu ku dhaawacmay sheedaha waxaanu ka mid ahaa mujaahidiintii wadanka ee baabuurta Tignikada ah ridaysay, markaa miciinkiisuna waa aniga oo dulfadhiya oo aan ka tagin,iyo aabihii oo xiiqleh oo todobaad markuu caafimaad qabo todobaadka kalana dhulyaala,oo dadiisuna aanay 80-jir ka yarayn,aniguna dibad ugama bixi karo oo sidaas uu u silsiladaysan yahay uunbaan u”DSC02067DSC02067

Hooyo Maryama iyada Oo Hadalkeeda Siiwada waxaa ay intaas ku dartay oo ay tidhi “Dhaqaale cid naga caawisa hadaanu helaynana Illaahaybaanu ugu mahadinaynaa,waxaananu ku noolahay makhsinkaa jiingada ah,qabow iyo kulayl midna nooma xamili karo waana 20 sano intaa uu maanta qaba xanuunkani,”

Hooyadani Maryama waxaa ay baaq u dirtay bulshaweynta reer Somaliland gudo iyo dibadba si looga caawiyo dhibta inankeeda haysata  waxaanay tidhi iyada oo arintaas ka hadlaysa  “Majirto cid dawladii uu u soo halgamay noo timid oo ka soo wardoontay,halkan uunbaanu noogu silsiladaysan yahay anaguna awood aanu maanta dhakhaatiirta ugu gayno oo aanDSC02068u ku soo baadhno ma hayno,bulsho weynta reer Somaliland, gudo iyo dibadba dadka kale ee muslimiinta ah waxaanu ka codsan lahayn inay naga caawiyaan dhibaatada inankayga iyo anagaba na haysata hadii ay wax nooga qaban karaan oo ay nacaawin karaan”DSC02067

Hooyo Maryan iyada oo hadalkeeda siiwada waxaa ay intaas raacisay “Inankan Aabihi wax camala oo uu haya ma jiro waana bilaa camal,saylada ayuu taga oo waa qoladan gees garaaca dadka saylada u daba jooga dharaarti,oo maalin uu soo helo iyo maalin uu soo waayaba waa uu leeyahay,”

Hadaba cidii wax ku dhaanta hakala hadasho Telefoon numberka 0634193917

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here