Hargaysa(Xogsoormedia.com) Shirkadda caalamiga ah ee Somtel ayaa maanta xaflad aad u qurux badan ku shaacisay ciddii ku guulaystay baabuurkii koobaad ee barnaamujka Hadal oo Hel ee shirkaddu ay soo waday muddo bil ah.
Haddaba ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay madaxa waaxda ganacsiga ee shirkadda Somtel Maxamed maxamuud rooble wuxuuna yidhi, sharaf wayn bay noo tahay maanta in aanu ka dhabayno wixii aanu muddo dheer dadka u balan qaadaynay oo ahaa in lagu guulaysan doono 4 baabuur oo casri ah, maanta gaadhigii u horeeyey ayaannu halkan u joognaa in aynu iclaamino cidii ku guulaysatay ee uu nasiibkiisu soo saaro, waxaana inoo hadhsan seddex gaadhi oo lakala bixin doon maalinta sagaalaad,
laba iyo tobnaad iyo shan iyo tobanka ee bishan koobaad, dhammaana dad waynaha reer Somaliland waxaannu u Shirkadda oo ku suntan in ay u adeegto bulshadeeda ayaa keentay in ay dib ugu celiso wax bedan oo faaiido leh dadka ay ka dhex shaqaysato.rajaynaynaa in ay tartankaa xalaasha ah ay ka faa’iidaysan doonaa, waxa qudha ee ka xigaana waa in uu qofku haysto number Somtel ah kuna shubto lacag aan aad u badnayn.
Shirkadda oo ku suntan in ay u adeegto bulshadeeda ayaa keentay in ay dib ugu celiso wax bedan oo faaiido leh dadka ay ka dhex shaqaysato.
Wuxuu kale oo carabka ku dhuftay in barnaamujka Hadal oo Hel lagu guulaysatay lacag dhan 30 Million Somaliland shilling ah mudo 30 cisho ah oo uu socday,30 guulaystana ay ka faa’iidaysteen fursadaas qaaliga ah. Halkana waxaanu ka cadaynaynaa in barnaamujkaa Hadal oo Hel aanu halkaas ku istaagin ee uu sii socon doono bilaha soo socda oo dhan, dhammaan macmiisha shirkadduna ay si wayn uga faaiidaystaan, shirkaduna sidii looga bartay ay soo dhex dhigi doonoto dadka si cadaalad ku dheehan tahay.
Wuxuu kale oo sheegay in maalinta ugu danbaysana layskugu yeedhi doono dhammaan 4ta qof ee guulaystay xaflad aad u qaaliyana loo qaban qaabin doono si loogu gudoonsiiyo gawaadhidii ay ku guulaysteen.
Ugu danbayntii waxaa la soo gaadhay xiligii la iclaaminaayey qofka nasiibku siiyo gaadhigii ugu horeeyey ee Shirkadda Somtel ugu talo gashay macmiisheeda ka qayb qaadatay barnaamijka Hadal oo Hel kaasi uu wareejiyey nidaam loogu talo galay in macmiisha uu u kala saaro si cadaaladda oo aan muran ku jirin.
Waxaana ku guulaysta gaadhigii ugu horeeyey Ibraahin Ismaaciil Muxumed oo jooga Hargeisa. Waxaana markiiba si toosa ula hadlay maamulka shirkadda oo ugu bushaaraysay in uu noqday guulaystihii koobaad ee ku guulaysta gaadhigii ugu horeeyey ee shirkaddu ugu talo gashay macmiisheeda qaali ah .
Ibraahin wuxuu aad iyo aad ugu mahad naqay shirkadda Somtel sida fiican ee ay ugu hanaysay gaadhi aad iyo aad u qaaliya.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland