Burco(Xogsoormedia.com):-Waxaa maalintii shalay si ballaadhan magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer si heer sare ah looggu soo dhaweeyey wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha gobalka Minisota ee xisbiga WADDANI oo muddooyinkii dambe socdaal uu ugu kuur gelaayo xaalada dalka ku maraayey goballada dalka.
Weftigan oo guddoomiyaha ay ku wehelinaayeen xildhibbaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Xildhibbaan Siciid Warsame Gaane, Xoghaye xigeenka arrimaha siyaasadda xisbiga WADDANI Md.Maxamed Abiib, afhayeenka garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI Md.Maxamed Siddiiq Dhamme iyo weliba sida oo kale mas’uuliyiin kale oo iyaguna ka mid ahaa weftiga Mareykanka ka yimi oo ay ka mid ahaayeen Axmed Nuur Qodax iyo Habboon Faarax, ayaa soo dhaweyntoodii waxaa ka qeyb-qaatay mas’uuliyiinta heer gobal ee xisbiga WADDANI, madax-dhaqameed, haween, dhallinyaro iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan.
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Xogsoor24@gmail.com
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com