Xukuumadda Somaliland Oo Dibadda Uga Yeedhatay Khuburo Ka Caawisa Walax La Garan Waayay Oo Sas Ku Beertay

0
340

Dhahar(Xogsoormedia.com):- Xukuumadda Somaliland,ayaa markii ugu horaysay ku dhawaaqday in ay dibadda ka dalbatay khuburo ka caawisa wax ka ogaanshaha iyo baadhitaanka walax la garan waayay oo sas qaadsiisay dadweynaha deegaanka ay soo gaadhay oo ah bariga gobolka Sanaag.

Walaxdan oo ah Haan ku soo caariday xeebaha gobolka Sanaag gaar ahaan Deegaanka degmada Laaso Surad iyadoo ku soo caarida meel degmada u jirta ugu badnaal 20.KM.

buureed1

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Faarax Buureed ayaa intaa ku daray in ka Xukuumad ahaan ay dedaal dheeraad ah u galeen in ay si dhakhso ah u ogaadaan haanta soo caariday waxay tahay iyo in ay khatar ku tahay dadka iyo deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga   Cali Buureed oo isagoo ku sugan Magaalada Dhahar ee gobolka Badhan khadka tilifoonka ugu waramayay Wargaeyska Dawan waxaa kale oo uu ka hadlay deegaanada gobolka iyo guud ahaan dalka Somaliland abaarta baahsan ee ka jirta waxaanu bulshada reer Somaliland ALLE uga baryay in uu abaarta ka jabiyo oo uu Raxmaadkiisa ugu deeqo.waxaanu bulshada kula taliyay in ay Rabbi baryaan oo ay isa saamaxaan salaad roob doon ahna oogaan.

Ugu Horrayn Wasiirka oo aanu wax ka waydiinay tallaabada waxay kala socdaan ka dawlad ahaan haanta qaylo dhaanta badani ka soo yeedhay ee ku soo caariday Gobolka Sanaag,ayaa ku jawaabay.

“Marka wax soo kordhaan talaabada ku habboon ayay dawladdu ka qaadataa dalkana wax kasta oo ku soo kordha waa la og yahay oo waa lala socda haantan oo looga shakisan yahay in ay noqon karto shay sun lagu soo mooriyay,ayaa u baahan in baadhitaan rasmi ah lagu sameeyo isla markaana la ogaado waxa ku jira ee haantan ku moorsan,waxaa kale oo lagama maarmaan ah in baadhitaan agu sameeyo in ay jiraan kuwo kale oo la mid ah oo baddeena ku hadhsan iyo in ay tan oo kaliya ahayd.”ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga Cali Buureed.

Mar uu ka jawaabayay Wasiirku Su,aal aanu ka waydiinay cidda ay dawladdu u dirayso ee khuburada ahi halka ay ka imanayso iyo goorta ay gaadhayso goobta ay Haanta in ay suni ku jirto laga shakiyay ku soo caariday,ayaa ku jawaabay. “Wasaarad ahaan iyo ka Xukuumad ahaanba waanu qaadnay tallaabadaa Khuburadii ku habboonayd ee haantan baadhutaanka ku samayn lahayd imikana waxaa la sugayaa in ay yimaadaan oo kaliya oo ay dhakhso u soo gaadhaan goobta ay haantu taallo,waxa kaliya ee dib u dhacooda keenayna waa sanadka cusub munaasibadihiisii iyo fasaxyo ay galeen laakiin imika deg deg ayay dalka u soo gaadhanaa waxaanay ka imanayaan dalka Jabuuti,waxaa kale oo aanu doonaynaa in aanu hubino in haamo ale oo sun sidaa in ay ku jiraan badda deegaanka ay ka soo caariday ee Somaliland si aanay waxyeello iyo dhibaato uga soo gaadhin noolaha Badda ku jira iyo dadkeena midnaba.”

Waxaa kale oo aanu Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda aanu waydiinay socdaalkiisa Dhahar ee Wakhtigan in uu yahay mid shaqsi oo aanu Somaliland ku metelayn iyo in uu isagoo Wasiir Qaran ah tegay oo uu ku joogo Dhahar,ayaa ku jawaabay.

“Horta anigu ma ogi meel qofka iyo masuuliyadda uu hayaa ay ku kala hadhaan iyo meel la sii dhigto xilka qaran ee qofku hayo aniguna dhuumasho iyo isqarin anigu halkan (Dhahar) kuma joogo’ laakiin anigoo ah Wasiir Qaran oo ah Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka ee Somaliland ayaan hadda Dhahar ku suganahay’Dhaharina waa Somaliland horena way u ahayd imikana way tahay waanay ahaanaysaa inta dunidu jirto.”ayuu yidhi Wasiirku.

Ugu dambayn waxaa uu ka hadlay Wasiir Cali Faarax Buureed Abaaro baahsan oo dad iyo duunyoba asiibay isla markaana si ba’an uga jira dalka oo dhan gaar ahaan deegaanka gobolka Badhan oo ay ka tirsan tahay degmada Dhahar.

“Deegaanka abaar baahsan ayaa ka jirta oo dad iyo duunyoba asiibtay deegaankana abaartii ugu darnayd ayaa ku dhufatay markaa waxaan ALLE ka baryayaa in uu ummadda u naxariisto oo uu raxmaadkiisa ugu deeqo Bulshada gobolka Badhan iyo guud ahaan Umadda reer Somaliland waxaan kula dar daarmayaa in ay is wada cafiyaan oo ay RABBI u soo noqdaan Salaad Roob doon ahna ay oogaan.”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Faarax Buureed

Haantan ayaa muddo ilaa sadex biloo ah ku taalay deegaanka ay ku soo caariday iyadoo horena ay qaylo dhaan uga soo saareen Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada Ceerigaabo iyo waxgaradka bulshada deegaankaasiba waxaana haantan soo caariday goobta ay ku sigan tahay gacanta imika ku haya oo jooga ciidanka Ilaa;ada Xeebaha Somalland

Xigasho Wargeyska Dawan

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmal.con

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here